X

Britain Oo Iska Fogaysay Dalabka Maxkamadda Denbiyada Ee Qabashada Netanyahu

Benjamin Netanyahu , Ra'iisal wasaaraha Israel, Image Araweelo News Network, 29 Oct 2023.

 

#Araweelo_News_Network.

 

London(ANN)- Dawladda Britain ayaa si dadban isaga fogaysay dalabka waaranka ee Maxkamadda denbiyada dagaalka ee ICC ku doonayso in lagu qabto Ra’iisal wasaaraha Israel.

” UK kama doodi doonto codsiga waaranka qabasho ee ICC ee Netanyahu iyo Gallant “sidaa waxa  yidhi, Afhayeenka Ra’iisal wasaaraha Britain.

Xukuumadda cusub ee Xisbiga Shaqaalaha ee dhowaan ku guulaystay doorashada ayaa sheegtay in aannay  sii wadi doonin su’aalaha ku saabsan awoodda Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada ICC.

Wallow ay Boqortooyada Ingiriiska si cad u diiday goor sii horaysay qabashada Netanyahu. Balse waxay si cad u sheegtay in aannay sii wadi doonin dadaallada lagu doonayo in su’aalo lagu weydiiyo in Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC) ay awood u leedahay innay soo saarto amarro lagu soo xidhayo Ra’iisal Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu iyo Wasiirka Difaaca Yoav Gallant.

“Marka la eego soo gudbinta ICC, Waxaan xaqiijin karaa in dowladdu aannay sii socon doonin soo jeedinta iyadoo la raacayo mowqifkayaga dheer ee ah in tani ay tahay arrin maxkamaddu ay go’aan ka gaadho,” sidaa waxa warbaahinta u sheegay Jimcihii Afhayeenka ra’iisal wasaare Keir Starmer.

Go’aanka ayaa u muuqda mid kala fogeynaya xukuumadda cusub ee ra”iisal Wasaare Starmer iyo qorshayaashii ra’iisa wasaarihii hore ee Rishi Sunak, kaasoo xilligii uu xukuumaddiisa qorshaynayay inuu ka hor tago amarka.

Bishii May, dacwad oogaha madaxa ICC Karim Khan ayaa dalbaday in la soo xidho Netanyahu iyo Gallant oo lagu eedeeyay dambiyo dagaal oo ay galeen intii uu socday dagaalkii Israa’iil ee Qaza.

Sidoo kale, waxa jiray waaran uu ku dalbaday saddex hoggaamiye oo ka tirsan Falastiiniyiinta ee Xamaas oo lagu eedeeyay dambiyo dagaal oo ay galeen weerarradii 7 Oktoobar ee koonfurta Israa’iil.

Hase yeeshee Britain waxay sheegtay in ” Dukumentiyada maxkamada ee la soo bandhigay bishii June ay ahaayeen kuwo muujinayay  in UK, oo xubin ka ah ICC, ay u gudbisay codsi maxkamada si ay u bixiso indho-indheyn qoraal ah oo ku saabsan in “maxkamaddu ay awood u leedahay innay awood u yeelato muwaadiniinta Israel, xaaladaha aannay Falastiin awood u yeelan karin xukun dambiile ah oo ka dhan ah muwaadiniinta Israa’iil ee hoos imaanaya Heshiisyada Oslo”.

Xukuumaddii xilligaasi Ra’iisal Wasaare Rishi Sunak ayaa ku guulaysatay innay hesho oggolaansho maxkamadeed si ay u soo gudbiso doodaha ka hor doorashada guud ee 4- July  taasoo xisbiga Conservative uu lumiyay  doorashada. Sida uu sheegay Afhayeenka Ra’iisal Wasaare Keir Starmer.

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post