X
    Categories: Warar

Boutros-Ghali Oo Ahaa Ninkii Dabarka Ku Xidhay Qadiyada Somaliland Oo Geeriyooday

Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)Xoghayihii hore ee Qaramada Midoobay Mr Boutros-Ghali oo u dhashay dalka Masar, ayaa geeriyooday, isagoo xiligan ahaa 93 jir.
Boutros-Ghali, waxa dhimashadiisa xaqiijiyay Rafael Darrio Ramirez Carreno oo ah madaxweynaha Golaha Ammaanka, iyadoo Shan iyo tobanka waddan ee xubinta ka ah Golaha Ammaanka geeridiisa u qabteen hal daqiiqo oo aamusnaan ah.

Boutros-Ghali, wuxuu ahaa Masri kasoo jeeda qoys kiristan ah, mahdabta Orthodoxy oo ay haystaan kitistanka laga tirada badanyahay ee Masar wuxuuna noqday qofkii ugu horeeyay ee haysta dhalasho Carbeed ee qabta jagada ugu saraysa ee Qaramada Midoobay, isagoo ahaa xoghayihii qaramada midoobay ee Lixdanaad, balse waayay inuu mar labaad xilka sii hayo. kadib fadeexado hadheeyay mudadii qarmada midoobay hoggaaminayay.

Mr. Boutros Boutros Ghali, wuxuu ku dhashay dalka Masar 14 November 1922, wuxuuna kasoo jeeday qoys caan ah oo taariikhda dalka Masar si weyn looga yaqaan, iyadoo Aabihii Boutros Pasha Ghali uu Raysal wasaare ka noqday dalka Masar 1908 ilaa1910,ka hor intii aan la khaarajin, isla markaana xubno badan oo qoyskiisa ka mid ah, ayaa xilal kala duwan kasoo qabtay xukuumadihii dalka Masar.

Boutros Boutros, (Secretary-General UN), wuxuu xilka Xoghayaha Qaramada Midoobay qabtay January 1992, isagoo hayay ilaa December 1996, wuxuuna kusoo beegmay xili ay burburtay awoodii labaad ee dunida Waarso iyo dhamaadkii dagaalkii qaboobaa ee u dhexeeyay quwadihii Waarso iyo Naato, isla markaana Maraykanka iyo Xulufadiisu doonayaan inay la wareegaan awoodda dunida, iyadoo dawlada Maraykanku si weyn uga hor timi inuu sii hayo xilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay.

waxaana mudadii uu xilka qabtay socday dagaaladii ka bilaabmay Soomaaliya, Yugoslavia, Rwanda iyo dagaal ka socday Bariga Dhexe, iyadoo Boutros Boutros Ghali awoodi waayay inuu wax ka qabto xaaladaha colaadeed iyo dagaalada ka holcayay wadamadaa, kuwaas oo lagu eedeyay inuu qayb ka ahaa qalalaasaha ka aloosmay meelo baddan oo dunida ah.

Boutros Boutros Ghali, oo ahaa PHD, wax kusoo bartay Jaamacaddaga reer galbeedka, wuxuu xilal kasoo qabtay dalka Masar, wuxuuna ka hor intii aanu qaramada Midoobay u wareegin dalka Masar ka hayay xilka Wasaaradda Arrimaha Dibadda, iyadoo xiligaa lagu eedeeyay in dalka Ruwanda ka iibiyay hub baddan mudadii xilkaa hayay, isla markaana lacag $26 million dollar ah ka macaashay hubka uu ka dawladii Rwanda 1990, kaas oo qayb weyn ka ahaa xasuuqii ka dhacay dalkaa, iyadoo hubkaas u gacan galay dadka Hutu ee ay iska soo horjeedeen Tutsiga. sida lagu shaaciyay baadhis ay samaysay Haweenayda suxufiyad ah oo magaceedu yahay Linda (According to investigative journalist Linda Melvern), waana sababta Boutros loogu eedaynayay xasuuqii ka dhacay dalka Ruwanda.

sidoo kale Mr. Boutros Boutros Ghali, wuxuu mudadii uu xilka Xoghayaha Qaramada Midoobay hayay lagu eedaynayay inuu qayb ka ahaa qalalaasaha Somalia iyo dagaalada weli ka holcaya 25-kii sanadood ee u danbeeyay, waxaana mushkiladaha lagu xusuusan doono ka mid ah arrimahaa iyo kuwo kale, balse shaccbiga Somaliland waxay ku xusuusan doonaan inuu ahaa Ninkii golaha amaanka horgeeyay qorshe qadiyadada Somaliland iyo Madaxbanaanideeda dabar looga dhigayay, isagoo golaha amaanka u gudbiyay qaraar ka dhan ah qadiyada Somaliland http://www.cfr.org/somalia/un-security-council-resolution-794-somalia/p24237, balse ujeedadiisu ahayd meel marinta siyaasada mustaqbalka dalka uu kasoo jeedo ee Masar ee ku wajaahan geeska Afrika.
Qaraarka uu horgeeyay golaha amaanka (Security Council Resolution) ee 1992, ayaa dabar ku noqday qadiyada Madaxbanaanida Somaliland oo xligaa ahayd mid curdin ah, isla markaana weli caqabad ku ah sidii ay Somaliland aqoonsi buuxa uga heli lahayd beesha Caalamka.
sidoo kale Boutros Boutros Ghali, waxa lagu dhaleeceeyay in aanu waxba ka qaban xasuuqii dalka Rwanda ee 1994, kaas oo lagu eedeeynayay inuu qayb ka ahaa iyo sidoo kale xasuuqii dalka Yugoslavia ee kumanaan dadka Bosniyaanka ah ay u geystayay xukuumaddii Yugoslavia.

Follow us: @Araweelonews on Twitter | Arraale M Jama

Araweelo News Network

Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
WhatsApp + 252 63 442 5380 Send an SMS or MMS to + 252 659107347

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post