Warbixin: Carraale M. jama Freelance Journalist and Human Rights activist
Araweelo News Network
Riyadh(ANN)Boqortooyadda Sacuudiga ayaa jawaab diidmo ah ka bixisay dhawaaq dhaleecayn ah oo kaga yimi dhinaca Xukuumadda Washington. kadib markii Madaxweyne Obama sheegay in aanay Sucuudigu doorweyn ka cayaarin ka hortagga kooxaha loogu yeedho Argagixisada ee ku fidaya dunida.
Hase yeeshee Amiir Turki Al-Faysal oo ka tirsan qoyska Boqortooyadda Sucuudiga, ayaa sheegay in Xukuumadda Sucuudigu door muuqda ka qaadatay hawlgalka la dagaalanka argagixisada, wuxuuna xusay in sirdoonka Sacuudiga ay fashiliyeen weerarro uu ururka Daacish ku qaadi lahaa dalka Maraykanka.
Dhaliilaha iyo dhaleecaynta Maraykanka ee Madaxweyne Obama u jeediyay Xukuumadda Sucuudiga, waxa ku jiray weedho ka cadhaysiiyay Xukuumadda Riyadh oo Madaxweyne Obama ku sheegay in loo baahan yahay in Sacuudiga uu Barige Dhexe la wadaago Iran, isla markaana uu ku khasbanyahay inuu mandaqada kula noolaado Iran oo Illaahay ka beeray, sidaa awgeed wuxuu usoo jeediyay Obama xukuumadda Sucuudiga inay fahmaan inay Iran ku wada noolaadaan mandaqada.
Dhawaaqa Madaxweynaha Maraykanka ee xilka kasii degaya, Mr. Obama iyo arrimaha dhaleecaynta iyo dhaliisha ah ee uu dusha u saaray Sacuudiga, ayaa si weyn uga cadhaysiiyay qoyska Boqortooyadda Sucuudiga, waxayna dhawaaqyada Obama kusoo beegmeen xilli loolan dhinaca mandqada ah oo sababay in xidhiidhka labada dal oo isku haya awoodda mandaqada sii xumaado, iyadoo hirdan siyaasadeed iyo dagaalo daaha dabadiisa laysugu jiro ku dhexmarayo Yemen iyo gobolka bariga dhexe, gaar ahaan Syria iyo Iraq oo ay Iran iyo Sucuudigu dhinacyada isku haya lala kala safteen, iyadoo dhowaan qorshe dawlada Sucuudigu wadatay oo laga ansixiyay Ururka Jaamacada Carabta, kaas oo Ururka fadhigiisu yahay Lubnan ee Xisbu-allaah oo ah urur awood baddan oo taageera siyaasada Iran iyo Syria ee mandaqada bariga dhexe jaamacada Carabtu ugu aqoonsatay urur argagixiso, taas oo xiisada labada dhinac ee xulufada Sucuudiga iyo Iran oo dhinaca kale hoggaaminay cirka kusii sheerertay.
sidoo kale waxay arrinta dhaleecaynta Obama kusoo beegantay markii dhowaan xidhiidhka Iran iyo wadamada xulufada Maraykanka ee ugu awooda baddab dunida heshiis lagu soo afjaray muranka nukliyeerka ay wada gaadheen, taas oo ka cadhaysiiyay Israel iyo sidoo kale Sucuudiga iyo dalalka xulufada la ah ee ay Maraykanka mudada dheer saaxiibada ahaayeen, balse dhawaaqa xiliigan ee Washington ayaa u muuqda mid farxad weyn iyo hiil dublamaasiyadeed u ah Iran, iyadoo dhinaca kelena ay astaan, ama calaamad u tahay in Sucuudiga iyo xulufadiisa uu gabaabsi yahay xidhiidhkii mudada dheer kasoo dhexeeyay Maraykanka.
Follow us: @Araweelonews on Twitter | Arraale M Jama
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
WhatsApp + 252 63 442 5380 Send an SMS or MMS to + 252 659107347