Araweelo News Network

BoqorkaUrduniyoxasansheekhAmman(ANN)Boqor Cabddallaha Dalka Urdun, ayaa sheegay in ciidankiisa cirka iyo kuwa kummaandooska ay diyaar u yihiin ka qeyb qaadashada howlgallo millateri oo si wadajir ah ay ula fuliyaan kuwa ingiriiska, si loo wajaho ayuu yidhi, xarakada shabaabul Mujaahidiin ee ku xdhan Alqaacidda, islamarkaana halista ku ah daganaanshaha wadamada Bariga Afrikada.

 

Urdun waxay sheegtay in ciidankeeda kummaandooska ah ay la howlgalayaan ciidanka gaarka ah ee ingiriiska si ay u caawiyaan ciidamadda AMISOM ee Kenya iyo Ethiopia ee ku sugan Somalia, kuwaas sida dawlada Urdun sheegtay uu ku adkaaday dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Sidaana waxa lagu shaaciyay Dukumiintiyo sir ah oo ay baahiyeen wargeysyada ingiriiska ee kala ah The Guardian iyo Middle East Eye, kuwaas oo lagu sheegay in boqorka Urdun Boqor Cabddallaha labaad uu mareykanka u sheegay bishii Novemver sanaddii 2015-ka in Urdun ay diyaar u tahay ka qeyb qaadashada howlgalla millateri oo ka dhan ah xarakada A-lshabaab ee soomaaliya ka dagaalama.

 

 

 

Boqor Cabddallaha Urdun hadal uu ka horjeediyay xubno katirsan koongareeska mareykanka ayaa sheegay in Al-shabaab ay kaalin ku leeyihiin dagaallada ay xoogaga jihaadiga ah ka wadaan wadanka Libiya.