Amiirka, ayaa mudadii uu xukunka Dalka gacanta ku hayay xidhiidh dhow la laahaa dalalka reer galbeedka oo ay iska kaashanayeen la dagaalanka Argagixisada loogu yeedho al-Qaida, isagoo isbahaysi dhow oo ku waajahan dagaalka muslimiinta mayalka adag la lahaa xukuumadda Washington.
Abdallah wuxuu ahaa Boqorkii 6aad ee soo mara xukunka mudadii ay qoyska reer Boqor xukumayeen Dalka Sucuudiga, wuuxuna xilka ka dhaxlay walaalkii Boqor Fahad, wuxuu mudadii uu xilka hayay sameeyay siyaasad fur-furan, isagoo dalka Sucuudiga wax baddan kusoo kordhiyay, isla markaana hoos u dhigay xaalado laga cabsi qabay inay kacdoonadii galaaftay hoggaamiyayaal baddan oo Carbeed ay saamayn ku yeeshaan xukunkiisa.
Geerida Boqor Abdallah ayaa kusoo beegantay xili xaalada dalka Yemen ee ay jaarka yihiin qalalaase ka taaganyahay, iyadoo aan la ogayn saamaynta ay ku yeelan karto xaalada.
Araweelo News Network
Somaliland Office
info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com