X
    Categories: Warar

Boqorka U Taliya Kuwait Sheikh Sabah Oo Qaabilay Wefdiga Madaxweynaha Somaliland Daawo

Araweelo News Network

Kuwait(ANN)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo iyo weftiga uu hor kacayo ee safarka shaqo ku jooga dalka Kuwait ayaa maanta la kulmay boqorka dalkaas Sheikh Sabah Al-Ahmad Al-Jaber Al-Sabah.

Kulankaas oo ahaa mid saxaafaddu debed-joog ka ahayd ayaa ahaa mid qaatay saacado, iyadoo labada dal ay ka wada hadleen, sii xoojinta xidhiidhkooda soo jireenka ah ee ay wadaagaan, waxaana si gaara labada dhinac isu-dultaageen xaalada nabadgelyo ee ka jirta mandaqadda.

Madaxweynaha Somaliland kulankan maanta waxa uu mahadnaq balaadhan u jeediyey amiirka, isagoo ku bogaadiyey xidhiidhka meeqaamkiisu sarreeyo ee uu kula shaqeeyo Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanu xusay mashaariicda horumarineed ee dhaxal galka ah ee ay boqortooyada Kuwait ka fulisay dalka, kuwaas shacbiga iyo dawladda Somalilandba dareensan yihiin.

Gebegebadii Kulanka waxa amiirka Kuwait uu qado sharaf beertiisa ugu sameeyey madaxweynaha iyo weftigiisa.

Casuumada ka dib waxa uu madaxweynaha iyo weftigiisu kulan gaara la yeesheen Gudoomiyaha Guddiga maamulka hay’adaha khayriga Islaamiga ee Caalamiga, Dr. Abdullah Matouq Al-Matouq, waxa iyaguna kulankaa ku wehelinaayey Wasiiradii hore ee Cadaalada iyo Diinta iyo Awqaafta, La-taliyaha Amiirka Kuwait sheikh Sabaax Al-axmed Al-sabaax iyo La-taliyaha gaarka ah ee xoghayaha guud ee qaramada midoobay ee arrimaha bani-aadanimo, waxaanu madaxweynuhu kala hadlay masuuliyiintaasi Abaaraha ka jira Somaliland iyo sida ay gurmad degdeg ah uga gaysan lahayd boqortooyada Kuwait, isla markaana ay u sii balaadhan lahayd mashaariicda horumarineed ee boqortooyadu ka waddo Somaliland.

Dhinaca kale Madaxweynaha iyo weftigiisu waxay ka qaybgeli-doonaan berrito marti-qaad gaara oo uu u sameeyey Sheikh Hamad Bin Sabah Al-Ahmad.” Ayaa lagu yidhi qoraal kasoo Madaxtooyadda Somaliland oo uu ku saxeexnaa Afhayeenka Madaxtooyadda Cabdiraxman Sh. Cilmi Fahiye (Shamax)

Follow us: @Araweelonews on Twitter | Arraale M Jama
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
WhatsApp + 252 63 442 5380 Send an SMS or MMS to + 252 659107347

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post