X
    Categories: Warar

Boqoradda Britain Oo Haweenay U Magcawday Safiirka UK Ee Somalia

Ambassador Harriet Mathews

London(ANN)Boqoradda Dalka Britain Queen Elizabth ayaa safiir cusub u magacowday Soomaaliya. Kadib markii la bedelay safiirkii hore ee Britain u joogay Somalia Ambassador. Niel Wigan.
Ambassadorka cusub ee Boqoradda Britain u magcawday Somalia, ayaa ah haweenay lagu magcaabo Harriet Mathews oo ka mid ahayd hawlwadeenada sare ee Xafiiska Wasaarada Arrimaha Dibadda ee Britain.
Haweenaydan oo beddelaysaa safiirkii hore Ambassador. Niel Wigan, ayaa lagu tilmaamay inay tahay mid la socota hawlaha siyaasada arrimaha ddibadda ee Britain eek u waajahan Afrika, waxaana lagu wadaa inay xilka la wareegto bisha Jun ee soo socota.

Ambassador. Harriet Mathews waa haweenay ku xeel dheer oo aqoon u leh arrimaha Africa, waxayna muddooyinkan danbe ahayd madaxa xafiiska wasaaradda Arrimaha Dibedda Britain u qaabilsan bariga iyo Galbeedka Africa.

Sidoo kale Harriet Mathews madax u ahayd howshii Dawlada UK ka waday galbeedka afrika ee la dagaalanka cudurka Ebola.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

Arraale Jama: Arraale Mohamoud Jama is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com + 252 63 442 5380 + 252 63 4764409 + 252 63 442 5380
Related Post