X
    Categories: Warar

Boqor Salmaanka Dalka Sucuudiga Oo Qaabilay Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Iyo Masuuliyiin Kale

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdirahman Cabdullaaahi Ismaaciil (Seylici) oo gacan qaadaaya Boqor Salmaanka Dalka Sucuudiga

Araweelo News Network

 

Riyaadh(ANN)-Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdirahman Cabdullaaahi Ismaaciil (Seylici) oo ku sugan Dalka Sucuudiga, ayaa ka mid noqday madaxda ka xajay Dalalka Islaamka ee gudanayay waajibaadka cibaadada Xajka.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Seylici iyo madaxda kale ee gudanayay waajibaadka xajka. ayaa la kulmay Boqorka Dalka Sucuudiga Amiir Salmaan Bin Cabdulcasiis iyo Amiirka leh dhaxalka Maxamed Bin Salmaan oo ah Amiirka uu dhalay ee ugu awoodda badan oo ay weheliyaan masuuliyiin sare oo ka tirsan xukuumadda Sucuudiga.

 

Advertisements

Sidaana waxa lagu baahiyay warbaahinta Dalka Sucuudiga, iyadoo madaxda la kulantay Amiirka Dalka Sucuudiga Amiir Salmaan magacyadooda , xilalka ay hayaan iyo Dalalka ay ka socdaan la xaadiriyay, isla markaana Madaxweyne ku xigeenka Somaliland markii uu Salaamayay Amiir Salmaan la xaadiriyay magaciisa oo dhamays tiran iyo Taytalkiisa inuu yahay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland.

Halkan ka Daawo Munaasibada Amiir Salmaan u qabtay madaxda gudnaysay waajibaadka Xajka ee uu la kulmay.

 

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post