X

Boqor Cismaan Buurmadow Oo Ka Hadlay Mawqifkiisa Qadiyadda Somaliland iyo Joogitaankiisa Muqdisho

“Madax-dhaqameedka haddaan nahay ma goyno mowqifka siyaasiga” Boqor Buurmadaw

Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buur-madaw oo ka mid ah madaxdhaqameedka Somaliland ee  ugu caansan geyiga Soomaalida oo muddooyinkan ku kulamo shirar iyo hawlo u joogay Magaaladda Muqdisho ee xarunta Soomaaliya, ayaa ka hadlay hawlaha uu halkaa u joogo.

Sidoo Boqor Cismaan, wuxuu ka hadlay in hawlaha uu Muqdisho u joogay iyo kulamada uu la yeeshay siyaasiyiin iyo madax-dhaqameed ku sugan Soomaaliya ay sababi karaan in loo arko denbiile marka uu ku laabto Somaliland.

Hase yeeshee Boqor Cismaan Aw Maxamuud wuxuu arrintaa ku tilmaamay mid aan macquul ahayn, isagoo ku doodday in arrimaha uu Muqdisho u tegey ay ahaayeen kuwa la xidhiidha nabadaynta iyo Islaaxa, balse aan ahayn kuwo siyaasadeed. Sidaa awgeed aannay wax dhibaato ah ku jirin.

Boqor Cismaan oo maanta waraysi uu siiyay BBC-da laanteeda Af-soomaaliga kaga jawaabay su’aalo la xidhiidha arrimahaa iyo kuwo kale.

Mar uu ka jawaabayay su’aal la xidhiidhay in ay wax iska bedeleen amwqifkiisa iyo aragtidiisa siyaasadee ee Somaliland, ayaa si cad u sheegay tegitaankiisa Muqdisho in aanu ahayn mid wax ka beddelaya mawqifkiisa qadiyada Somaliland.

“Wax denbi ah ma aanan galin. Wax siyaasad ahna kama qayb qaadan. Si fiican oo wanaagsan oo aad arki doontaan baa la iisoo dhaweyn doonaa, oo aan uga dagi doonaa Somaliland, wax cafis ahna ma qaadanayo, sabab aan u qaatana ma jirto”, ayuu yidhi, Boqor Cismaan Aw Maxamuud oo BBC-du wax ka weydiisay in ay u qorsheysan tahay in uu dib ugu noqdo Hargeysa.

Sidoo kale, mar su’aal laga weydiiyay in mawqifkisia wax iska beddeleen, marka laga hadlayo qadiyadda gooni isu taaga Somaliland, wuxuu yidhi,” Madax-dhaqameedka haddaan nahay ma goyno mowqifka siyaasiga ah. Siyaasiin ayaanu leenahay. Shacabka ayaanu racanaa anaga. Shacabkaygu wuxuu aaminsan yahay, aniguna waan aaminsannahay waxa shacabkeygu aaminsan yahay.”

Dhinaca kale, Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buur-madaw), oo inta baddan arrimaha nabada ee mandaqada door ku leh, ayaa marar dhawr ah loo xidhay xukuumaddishii u kala danbeeyay Somaliland xavsiga dhigeen, kaddib dhalaacayn dhanka maamulka ah,

2018, ayay ahayd markii ugu danbaysay ee xukuumadda Somaliland xabsiga u taxaabtay Boqor Cismaan Aw Maxamuud oo xilligaa kasoo laabtay munaasibad lagu casuumay oo lagu qabtay Deegaanka Carmo ee maamul gobolleedka Soomaaliya ee Puntland, halkaas oo lagu caleemasaarayay Madax-dhaqameed, balse  waxa xoriyadiisa dib u helay. Kaddib markii uu muddo laba Bilood Iyo dheeraad ah ku xidhnaa Xabsiga Dhexe ee Hargeysa.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post