X

Boqor Buurmadaw Oo Ka Hadlay Hadalo Shacbiga Muqdisho Loogu Fasiray Nin Dhiiga Dadka Ku Raaxaysanya

Araweelo News Network.

“ Hadalkaygu ma ahayn mid aan ku dhiirigelinayo mabaadiida aan u aqaan in ay mutadarafnimada, waan ka xumahay,” Boqor Cismaan Buurmadaw

 Hargeysa(ANN)-Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buur-madaw oo ka mid ah madaxdhaqameedka Somaliland ee  ugu caansan geyiga Soomaalida, ayaa sheegay in hadal uu ka jeediyay munaasibad lagu casuumay si khaldan shacbiga Muqdisho loogu fasiray.

Boqor Cismaan Aw Maxamuud  oo muddooyinkan ku kulamo shirar iyo hawlo u joogay Magaaladda Muqdisho ee xarunta Soomaaliya, ayaa sheegay in uu raaligelin ka bixinayo hadalkaa oo ahaa mid kaftan ah, balse aaanu ula jeedin dhibaato iyo inuu cid si gaar ah ugu taageero.

“Annigu waxaan ahay madax-dhaqameed halakan uma iman in aan ka cadhaysiiyo cid, ama kala fogeeyo bulshada, waxaan u imi in aan dadka isu soo dhoweeyo, markaa maaha in shacabka wax aan jirin loo sheego.” Ayuu yidhi.

Sidoo Boqor Cismaan Buur-madaw oo muddooyinkan ku sugnaa caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, ayaa kulamo uu la yeeshay siyaasiyiin iyo madax-dhaqameed ku sugan Soomaaliya, ka jeediyay khudbado si weyn warbaahinta u qabsaday, isla markaana dhaliyay doodo.

Hase yeeshee ilaa xalay waxa soo baxayay warar lagu dhaleecaynayo mid ka mid ah khudbadaha uu jeediyay casuumadaha loo samaynayay oo hadalkiisa qayb ka mid ah laga soo qaatay, iyadoo lagu eedeynayo in ay ahaayeen weedho u muuqday kuwo taageero u ah koxoda Al-shabaab.

Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buur-madaw, ayaa markaa kaddib hadalkaa ka bixiyay raaligelin, wuxuuna isagoo Salaasadii, isagoo warbaahinta kula hadlay magaaladda Muqdisho yidhi, “Hadalkaygu ma ahayn mid aan dhiirigelinayo mabaadiida aan u aqaan in ay mutadarafnimada tahay (xagjirnimo), mana ihi nin taageersan mabaadiidaa, waana ka xumahay in in shacbigii Muqdisho ee isoo dhoweeyay loo sheego wax aan jirin oo la yidhaando, “ waxa Muqdisho yimi Nin Dhiigii Dadka Ku Raaxaysanaya, waana ka raali geolinayaa shacbiga hadalkayga meel aan aannu ahayn loo kexeeyay.”

Halkan Ka Daawo Boqor Buur-madaw oo ka hadlaya arrimaaha.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post