X
    Categories: Warar

Boqollaal Qaxooti Soomaali ku Socday Maraykanka ah oo ku Xayiran Kenya

Araweelo News Network

Nairobi(ANN)- Boqollaal qof Soomaali ah oo hore loogu oggolaaday inay qaxootinimo ku galaan waddanka Maraykanka, ayaa ku xayiran magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya, kadib markii madaxweynaha cusub ee dalkaas Mr. Donald Trump uu xayiraadda ku soo rogay gebi ahaanba dadka uga yimaad 7 dal oo muslim ah.
In ka badan 200 qof Soomaali ah oo buuxiyey dhammaan shuruudaha looga baahnaa nidaamka qaxootinimada oo magaalada Nairobi ku sugayey duullimaadyadii ay ugu dhoofi lahaayeen Maraykanka oo hore oggolaansho u siiyey, ayaa lagu wargeliyey in aanay u safrin karin dalkaas.
Boqollaalka qof Soomaalida ah ee ay saamaynta ku yeelatay xannibaadda Madaxweyne Trump ku soo rogay guud ahaan dadyowga u dhashay waddamada Ciraaq, Suuriya, Iiraan, Yemen, Suudaan, Soomaaliya iyo Liibiya ee doonaya inay galaan Maraykanka, waxa ay ka mid ahaayeen qaxootiga Soomaaliyeed ee ku jira xerada Dhadhaab ee dalka Kenya, kuwaas oo magaalada Nairobi ku sugayey duullimayaadyadii geyn lahaa Ameerika.
Hay’adda Qarammada Midoobay u qaabilsan Socdaalka ee IOM, ayaa xaqiijisay gebi ahaanba inay baaqdeen socdaalkii dadkaas qaxootiga ah ugu duuli lahaayeen waddanka Maraykanka, kadib amarkii xayiraadda ahaa ee madaxweynaha dalkaas ka soo baxay maalintii JImcaha ee toddobaadkan.
Dhanka kale, sarkaal sare oo ka tirsan Qarammada Midoobay ayaa warbaahinta u sheegay in Soomaalida tirda badan ee ku xayiran dalka Kenya uu saamayn ku yeeshay go’aanka Madaxweyne Donald Trump ku mamnuucay qaxootiga dalkiisa gelaya.
Mrs. Yvonne Ndege oo dhanka saxaafadda u qaabilsan Qarammada Midoobay, ayaa sheegtay in 13,000 qof oo Soomaali ah laamaha socdaalka ee Mareykanku hore ansixiyeen duullimaadyo dalkooda loogu oggolaaday, balse amarka Trump dartii socdaalladooda loo hakiyey.
Waxa kaloo ay xustay inay 13,000 ruux kale qaxooti Soomaali ah u duuleen Maraykanka wax yar ka hor go’aanka cusub ee mamnuucidda.
Tobanaan kun qaxooti Soomaaliyeed ayaa ku nool dalka Kenya tan iyo markii ay burburtay dawladdii millatariga ahayd ee Maxamed Siyaad Barre sannadkii 1991-kii.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post