X
    Categories: Warar

Boqolaal Qof Oo Ku Dhintay Masjid Lala Beegsaday Weerar Dalka Masar

Araweelo News Network

Qaahira(ANN)-Boqolaal qof ayaa ku Dhintay Weerrar lala beegsaday Masjid ku yaal Sinai meel u dhow Magaalada Al-Arish ee dalka Masar.

 

Sida ay sheegayaan wararka ka imanaya dalka Masar ugu yaraan waxa ku dhintay 305 qof oo Misaajidkaasi ku cibaadaysanayay oo ay ku Jireen Ilaa 30 Caruur ah, iyadoo dad ka badan 100 qof ku dhaawacmeen.

Ciidamada Masar, ayaa sheegay in ay weerrar dhanka cirka ah ku qaadeen koox la ruymaysan yahay in ay yihiin kuwii fuliyay weerrarka lagu qaaday Misaajid ku yaal Sinai oo watay Gaadhi loo malaynayo inay wateen kuwii weerrarka fuliyay.

Madaxwaynaha Dalka Masar Gen. Cabdul Fatax al-Sisi ayaa wacad ku maray in weerrarkaa lagaga jawaabi doono gacan bir ah, Isla markaana uu isticmaali doono awoodda ugu saraysa.

Balse ma jirto cid sheegatay weerrarkaa oo dhliyay Khasaare murugo Iyo argagixiso ah.

Dad goobjoogeyaal ah ayaa warbaahinta Masar u sheegay in ay arrintani ka dhacday magaalada Bir al-Abed ee u dhaw al-Arish, Isla markaana weerrarka laga fuliyay Masjidka iyadoo lagu gudo jiray Salaada Jimcaha.

Booliiska deegaanka, ayaa dhinacooda sheegay in ay kooxdu rasaas ku fureen dad cibaadaysanaya, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AP.

Balse Warar kale oo ka imanaya deegaankaa, ayaa sheegaya in Masjidka Al-Rowda  qaraxyo lagu weeraray, ka dibna koox  dabley ah oo banaanka joogay ay rasaas oodda uga qaaday dadkii badbaaday ee cararayey.

Qaarkood ka mid ahaa kooxda weerrarka qaaday, ayaa wajiga soo duubtay, waxayna ku lebisnaayeen dharka dirayska milateriga u eeg, kuwaas oo sida wararku sheegayaan Daaqadaha iyo albaabada dadka ka tooganayay.

Sidoo kale, waxay dab qabadsiiyeen gawaadhi halkaa taallay, si ay u xannibaan in dhismaha la galo, waxayna rasaas ku rideen baabuurta gargaarka degdegga ah.

 

Ciidamadda Dawladda Masar, ayaa inta badan weerraro kala kulma deegaanka Sinai, halkaas oo Kooxo islaamiyiin ah oo dawladda ku kacsan weerraro ka fuliyaan, tan markii Cabdul Fatax Al- Sisi uu la wareegay talada dalka  2013.

 

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post