X
    Categories: Warar

Boqolaal Muslimiin Ah Oo Shaqada Laga Eryay Dalka Maraykanka

Araweelo News Network

COLORADO-USA(ANN)Dad Muslimiin Shaqaalle ah oo ka shaqaynayay Wershed Hilibka ah oo ku taal Dalka Maraykan gaar ahaa Gobolka COLORADO, ayaa shaqadii ay ka hayeen halkaa laga eryay.kadib markii ay awoodi waayeen inay cibaadaystaan.

Shaqaallahaa oo u baddan dad Soomaali ah, waxa tiradooda lagu sheegay ugu yaraan 200 Qof oo shaqaale Muslimiin ah, waxaana shaqada laga eryay markii ay shaqo joojin sameeyeen, iyagoo cabshooyin marar baddan soo noqnoqday ka gudbiyay fursada ay ku cibaadaysanayaan xiliga ay shaqada ku jiraan, balse maamulka Wershedda, ayaa dhamaantood shaqada ka caydhiyay.

Afhayeen u hadlay golaha xidhiidhka Muslimiinta Maraykanka oo lagu magcaabo, Jeylaani Xuseen, ayaa sheegay in shaqaallaha Warshadda Hilibka ee Cargill muddo loo oggolaa inay cibaadeystaan, balse ay hadda xaaladu is bedeshay.

Dhinaca kale Afhayeen u hadlay Warshadda Cargill, ayaa sheegay inay Warshaddu lahayd meelo lagu Tukado Salaada. Hase ahaatee isticmaalkooda loo bahan yahay in la waafajiyo baahida shaqada.
Doodo ayaa ka dhashay dadkaa Muslimiinta ah ee shaqada laga eryay, iyadoo arrintan lala xidhiidhiyay dunida reer galbeedka oo ay kusoo baddanay nacaybka islaamfobia oo cuqdad iyo cunsuriyad lagala hor yimi dhawrkii dhawr iyo tobankii sanadood ee u danbeeyay.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post