X
    Categories: Warar

Boosaaso: Qaraxyo Khasaare Dhaliyay Oo Al-shabaab Sheegatay

Araweelo News Network

Boosaaso(ANN)Wararka ka imaanaya deegaanka Buuraleyda Galgala ee duleedka magaalada Boosaso ayaa sheegaya in qaraxyo xooggan lala eegtay maanta ciidamo ka tirsan Maamul goboleedka Somalia ee Puntland.

Dad goob joogayaal ah oo ka dhowaa degaanka qaraxu ka dhacay, ayaa sheegay in qaraxu uu burburiyay gaadhi kuwa Ciidamada Puntland ah, iyadoo ciidankii saarnaa khasaare dhimasho iyo dhaawac soo gaadhay.

sida ay sheegayaan wararka qaraxa ayaa ahaa miino dhulka lagu aasay, taas oo haleeshay gaadhi nooca dagaalka ah oo ay wateen ciidamada Daraawiishta Puntland.

wararka ayaa intaa ku daraya in Daqiiqado kadib qarax kale haleelay ciidamo usoo gurmaday goobta qaraxu ka dhacay iyagoo dhaawacyo qaadayay xilligaasi dhimashada gaadhay ciidanka Puntland ayaa lagu qiyaasay in ka badan 16 Askari, balse maamulka Puntland ayaan wax war ah kasoo saarin qaraxyada lala beegsaday ciidankooda.

Dhinaca kale War rasmi ah oo kasoo baxay xarakada Shabaab ayaa lagu sheegay in 17 askari ay ku dishay qaraxyada is xig-xigay ee ka dhacay Deegaanka Galgala, war lagasii daayay Idaacadda Andalus ee Afka xarakada ku hadasha ayaa lagu sheegay in Mujaahidiintu howlgal guulaystay ka fuliyeen deegaanka Galgala

Warar kale oo ka imanaya dhinaca Magaalada Boosaaso, ayaa sheegaya in gaadiidka caafimaadka Ambalaasta uu gaadhay goobta qaraxyadu ka dhaceen iyagoo dhimasho iyo dhaawac u daabulay dhanka magaalada Boosaaso.

Cisbitaalka Guud ee magaalada Boosaaso ayaa la geeyay Meydadka 17 askari iyo dhaawacyo waxaana Cisbitaalka gaadhay saraakiil ka tirsan ciidanka Daraawiishta Puntland.

Deegaanka Galgala, ayaa marar baddan waxa weerraro iskaga horyimaada Al-shabaabta ku sugan Buuraleyda Galgala iyo Ciidamada Puntland, waxaana horaantii bishan ka dhacay qaraxyo sidan oo kale ah oo khasaare dhaliyay, kuwaas oo Al Shabaab ay sheegtay.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post