X

Boorama Oo Ka Hadashay Dagaalka Ethiopia Iyo Mawqifkooda Dhinacyada Ku Hirdamaya  

Araweelo News Network.

Boqolaal Qof Oo Qoxootiga Ethiopia oo soo gaadhay Awdal

Boorama(ANN)-Dadka kasoo qaxay dagaalada ka socda dalka Ethiopia, ayaa firxadkoodu soo gaadhay xarunta gobolka Awdal ee Magaalada Boorama.

Salaadiinta iyo Madax-dhaqameedka gobolka Awdal, ayaa ka hadlay xaaladda dagaalka iyo dadka qoxootiga ah ee soo gaadhay Awdal.

Suldaan Cabdiraxmaan Dhawel oo ka mid ah madax-dhaqameedka ugu magaca weyn gobolka Awdal iyo Salaadiin kale, ayaa si adag uga digay khatarta kasoo socota dagaaladda ka socda dalkaa oo ay sheegeen in ay khatar ku yihiin mandaqada.

Suldaan dhawel iyo suldaan Baade oo ka mid ah salaadiinta awdal Image Araweelo News Network, 6 December 2021.

Madax-dhaqameedka oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Boorama, waxay sheegeen in haddii ay sii socoto collaada dalka Ethiopia ka socoto ay sababi karto in malaayiin qoxooti ah ay kusoo butaacaan Awdal iyo meelo kale.

Dhinaca kale, Odayaasha, ayaa si cad u muujiyay mawqifkooda ku waajahan dagaalka iyo dhinaca ay u muujinayaan taageerada dhinacyada ku hirdamaya dagaalka ee xukuumadda Federaalka ee Ethiopia iyo jabhada difaaca qowmiyada Tigray ee  TDF.

Sidoo kale, waxay ka hadleen cunaqabataynta dhanka gargaarka aadaminimo loo furo gobolka Tigary, iyagoo Salaadiintu sheegay in dadka Tigray xaq u leeyihiin in ay helaan caawimooyinka gargaarka bini’aadanimo.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post