Wararkii U danbeeyay ee Boorama, sababaha loo hakiyay Ciyaaraha iyo tirada rasmiga ah ee dhaawaca iyo dhimashada
Boorama(ANN)Ciyaar là filayay inay maanta ku dhexmarto Garoonka Kubadda Cagta ee Boorama Kooxaha metelayay gobolada Salal iyo Buhoodle, ayaa baaqatay. Kadib rabshado soo Noq-noqday oo ka dhashay tartanka Ciyaaraha, kuwaas oo sababay dhimashada Laba Wiil oo Cidamada Boolisku sababeen geeridooda.
Rabshadaha ugu danbeeyay ee shalay ka dhacay Garoonka xili ay gebagebo ku dowaayeen Ciyaar xamaasad baddan oo U dhaxaysay Kooxda Hàrgeysa iyo Kooxda Awdal, iyadoo Kooxda Hàrgeysa ciyaarta ku hogàminay hal gool, bàlse muran Sababay gacan ka hadal ayaa ka dhashay rigooraha là doonayay in loo dhigo Kooxda Awdal, waxayna markaa kadb xaalada Garoonka noqotay mid faraha ka baxday, taas oo sababtay in Ciidanka Boolisku adeegadan rasaas, isla martkaana dirqi lagu badbaadiyo Kooxda Hàrgeysa. Sidaana ay xalay ugu anbabaxan Kooxda Ciyaaryahanada Hàrgeysa Caasimada oo ay dib ugu laabteen.
Xidhiidhka Kubadda Somaliland oo xalay ka hadlay arrimahaa, ayaa soo saaray go,aan ay ku sheegayaan in Kooxda Hàrgeysa laga reebay Tartanka, isla martkaana ay soo baxday Kooxda Awdal.
Rabshadaha shalay ka dhacay Garoonka kubadda Cagta BOORAMA, ayaa Sababay dhimashada Wiil yar oo dhàlinyàro ah, kaas oo ay haleeshay rasaasta Boolisku ridayeen, waxaana dhaawacyo fudud gadheen siidhawalihii ciyaarta iyo haweenay, iyadoo wiilka yar noqonayo qofkii labaad ee ku dhinta Intii ay Ciyaaraha gobolada ka socdeen BOORAMA.
Mar kale ayay maanta ka dhashreen Magaalada Boorama mudàharraadyo rabshado wata oo aan la ogayn khasaaraha ka dhashay, kuwaas oo sababay in la gubo guriga taliyaha Qaybta Booliska ee Awdal General Araweelo, waxayna ehelada wiilka yar ee ku dhintay rabshadaha diideen in la aaso, bàlse Xoghayaha guud ee Xidiidhka kubadda cagta Somaliland Sacad Maxamed Shire , ayaa sheegay shebekadda Wararka ee Araweelo News Network in aanay arrimuhu ahayn sida loo buun-buuninayo, wuxuuna isagoo ka hadlaya khasaaraha shalay oo Wararka qaar sheegeen in laba qof ku dhinteen, Isa markaana ku dhaawacmeen sideed qof iyo sababta ay u baaqdeen ciyaarihii maanta dhxmari lahaa kooxaha Salal iyo Buhoodle, Wuxuu yidhi, “maanta ciyaarta looma joojin cabsi ee waxa baajiyay nasasho iyo in Wiilka ku dhintay oo maydkiisu yaalay là aaso, waana là aasay marxuumkaa maanta, ciyaaruhuna hakkoodii ayay ka soconayaan dhibaatona mà jirto.” ayuu yidhi xoghayaha guud ee xidhiidhka kubadda Cagta Somaliland.
Mar uu ka jawaabayay tirada dadka ku dhaawacmay iyo waxa ka jira inuu jiro qof kale oo u dhintay dhaawacii, Wuxuu yidhi, “dhaawacu Wuxuu ahaa Nin siidhiwale ah iyo gabadh, labadaba dhaawacyo fudud ayay lahaayeen, markaa dhimashadu waa mid keliya.” Ayuu yidhi Xoghaye Sacad Maxamed Shire oo u waramay caawa shebekadda Wararka ee Araweelo News Network.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews
WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380