X
    Categories: Warar

Booqashadda Wasiirada Ethiopia Ee Hargeysa Maxay La Xidhiidhaa?

Hargeysa(ANN) Wasiirka Maaliyadda Dawladda Federaalka Ethiopia., Axmed Shide iyo Wasiir Dawlaha Arrimaha Dibedda Ethiopia Gedu Andargechew, Foreign oo ay weheliyaan saraakiil kale oo aan la ogayn kuwa ay yihiin, balse ka tirsan Xukuumadda Federaalka, ayaa ka soo degey maanta garoonka  Diyaaraddaha Cigaal (Egal International Airport) ee magaalada Hargeysa.

Ujeedada Booqashada Somaliland ee Wasiirka Maaliyadda Ethiopia Axmed Shide oo ah gacanta Midig ee Ra’iisal wasaare Abiy iyo saraakiisha ku wehelisa, ayaan la ogayn, mana jiro wax war ah oo ay Xukuumadda Somaliland kasoo saartay, balse waxay kusoo beegantay maalin kadib markii Madaxweyne Biixi oo khudbad ka jeediyay labada gole Baarlamaan ee Somaliland meelintii shalay sheegay in aannu Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo imanayn Hargeysa.

Madaxweyne Biixi, wuxuu sidaa ka dhawaajiyay kadib markii maalmihii ugu danbeeyay ay si warbaahintu u qaadaa dhigaysay imaatinka Farmaajo ee Hargeysa, isagoo la socda Ra’iisal Wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed, walaw Madaxweyne Biixi shalay qiray in ay Madaxweynaha Soomaaliya ku kulmeen Xafiiska Ra’iisal Wasaare Abiy.

Booqashada Wefdiga, walaw aanay jirin wax war ah oo ilaa hada kasoo baxay dhanka Xukuumadda Somaliland, balse waxa jira warar aan la xaqiijin oo sheegaya inay daba socdaan qorshaha Ra’iisal Wasaare Abiy ku doonayay inuu Madaxweynaha Soomaaliya oo la socdo kasoo dego Hargeysa, taas oo si weyn ay shacbiga Somaliland uga qayliyeen markii ay soo baxeen dhawr maalmood ka hor wararka la xidhiidha safarka Farmaajo ee Hargeysa.

 Madaxtooyadda Somaliland ayaan looga baran in wefdi sidan oo kale ah in la qariyo imaatinkooda iyo weliba arrimaha ay u socdaan, taas oo abuurtay shaki weyn iyo inay jiraan sheekooyin siyaasadeed oo la qarinayo, iyadoo laga cabasi qabo dareenka Bulshada ee ka dhashay maalmihii lasoo dhaafay qorshaha socdaalka Madaxweyne Farmaajo ee Hargeysa.

Wixii kasoo kordha warkaa kala soco Araweelo News Network

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post