X

Booqashada Xarrunta Baarlamaanka Midowga Yurub Ee Brussels Cabdixakiim jamhuuriya

Booqashada Xarrunta Baarlamaanka Midowga Yurub
Ee Brussels Cabdixakiim jamhuuriya
#Araweelo_News_Nerwork.
Brussels, Belgium(ANN)-“Maanta waxaa magaalada Brussels ee xarrunta Baarlamaanka Midawga Yurub nagu soo booqday Tafatirihii hore ee Wargeyskii Jamhuuriya London Cabdixakiim Maxamed Sheekh oo sanadihii u danbeeyay Dal-joog ahaa, isagoo kasoo kicitimay Magaalada Hargeisa ee Caasimadda Somaliland.” sidaa waxa yidhi, Safiirka Somaliland u jooga qaarada  Yurub, Ambassador Kaysar Cabdullaali.
Booqashada ayaa u suurta gelisay Cabdixakiim Maxamed Sheekh (Cabdixakiim Jamhuuriya), in isaga iyo Ambassador Kaysar ay kula kulmaan xarrunta Baarlamaanka Midawga Yurub,
Dublamaasi sare oo daneeya arrimaha qadiyadda Somaliland, kaas oo  La Taliye u ah Midawga Yurub.
Cabdixakiim waxaan maanta ku soo wareejiyay qaybaha kala duwan ee Baarlamaanka Midowga Yurub oo xubnihiisu ay imika Olole doorasho ugu kala maqan yihiin Wadamadoodii, Waxaase noo suurto gashay inaanu la kulanay la taliyayayaal sare oo iyagu shaqada Baarlamaanka sii wada, ayuu yidhi, Ambassador Kaysar.
Cabdixakiim Jamhuuriya, ayaa dhankiisa u sheegay Araweelo_News_Network in socdaalkiisa oo aah mid shaqsi aannay ka madhnayn iib-geynta qadiyadda Somaliland, maadaama uu yahay muwaadin muddo dheer ku noollaa Yurub, gaar ahaan Britain, isla markaana si fiican xog-ogaal ugu yahay xaalladda dalkiisa hooyo ee Somaliland.
Hase yeeshee, wuxuu xusay wallow ay xubnaha Baarlamaanku ku maqnaayeen Ololaha doorashadooda, laakiin kulankaa La taliyaha sare ee Midawga Yurub si ballaadhan ugaga wada-hadleen qadiyadda Somaliland iyo horrumarka dhinacyada geedi-socodka dimuqraadiyadda doorashooyinka iyo ahmiyada amniga Somaliland u leeyahay gobolka, isla markaana garwaaqsaday dublamaasiga ay la kulmeen baahida loo qabo taageerada Somaliland ee beesha Caalamka, gaar ahaan Midawga Yurub, balse uu arrimaha ay ka wada hadleen la socodsiin doono xildhibaanada cusub ee kusoo baxa Doorashada Baarlamaanka Yurub ee dhici doonta mudada u dhaxaysa 6-9 June ee 2024.
Guud ahaan, wuxuu sheegay Cabdixakiim Jamhuuriya in kulanku u samaynayay ahmiyad gaar ah oo la xidhiidha qadiyadda Jamhuuriyadda Somaliland, isagoo xusay inuu qorshaynayo kulamo sidan oo kale ah inuu la yeesho Dublamaasiyiin iyo shaqsiyaad muhiim ah marka uu gaadho Magaaladiisa labaad ee London maalmaha soo socda.
Dhinaca kale, waxa xusid muddan in Cabdixakiim jamhuuriya oo muddo dheer ku noolaa Britain, isla markaana ahaa Tafaftirihii Wargeyska jamhuuriya ee London uu kasbaday saaxiibo xilligan safka hore kaga jira hoggaminta siyaasadda Britain iyo shaqsiyaad kale oo kulankoodu macne u samaynayo, kuwaas oo uu sheegay innay u qorshaysan tahay inuu kulamo ku saabsan qadiyadda Somaliland kala hadli doono.
.
admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post