#Araweelo_News_Netwrk.

Muqdisho (ANN)- Booqashada Caasimadda Muqdisho ee wediga ay hogaaminaysay Wasiirka Difaaca Ethiopia Caasha Maxamed ayaa muujisay in aannay labada dal mawqif ka wada qaadan arrimaha murranka iyo xiisaddaha siyaasadeed ee ka dhashay Heshiiskii MoU ee jamhuuriyadda Somaliland iyo Ethiopia 1 jan 2024, ee ruxay mandaqada sanadkii hore.

Booqashada jimcihii ee Wefdiga Ethiopia oo ay hoggaaminaysay Wasiirka Difaaca Ethiopia Caasha Maxamed ayaa la sheegay in diiradda lagu saaray mustaqbalka howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya, iyadoo daba socota booqasho kaddib markii lagu dhawaaqay heshiis ay dhowaan ay gaadheen ee Turkigu hormoodka u ahaa bishii hore ee Ankara.

Hase yeeshee waxa booqashada kaddib soo baxday in uu wei jiro murrankii diblumaasiyadeed ee u dhaxeeyay Ethiopia iyo Soomaaliya ee uu sababay MoU Ethiopia iyo Somaliland uu weli jiro oo aan la xalin , sida uu sheegay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya.

Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in Soomaaliya aannay wax tanaasul ah samayn Ethiopia oo aannay weli ka hadlin sheegashada Soomaaliya, isagoo ula jeeda heshiiskii Somaliland iyo Ethiopia, balse waxay sheegtay in labada dal ay ku heshiiyeen in la xoojiyo xidhiidhka labada dal, sidaa oo uu baahiyay TV-ga dowladda Federaalka oo soo xigganaya Fiqi.

Khilaafka ka dhashay Heshiiskii bishii January 2024,  markii Ethiopia oo aan bad lahayn ay heshiis dhinaca Badda ah la gashay jamhuuriyadda Somaliland , balse ay dawladda Federaalka ee Soomaaliya ka cadhootay, taas oo xiisadda labada dal aad u gelisay mugdi iyo dib loo soo saaro collaadii labada dal markii ay jirtay Jamhuuriyaddii Soomaaliya oo ay Somaliland xilligaa ka mid ahayd, balse ay Somaliland dhankeeda meesha ka saartay collaada guunka ah,  markii ay lasoo nqootay qaranimadeeda 18 May 1991, iyadoo xidhiidh fiican oo dhaqaale, ganacsi iyo weliba cilaaqaad dublamaasiyaeed u dhexeeyo Somaliland iyo Ethiopia, taas oo ugu danbayntii sababtay Heshiiska MoU ee ka cadhaysiiyay Soomaaliya, Djibouti iyo dalal kale oo qadiyada Somaliland iyo aqoonsigeeda kasoo horjeeda, iyadoo Soomaaliya ku andacoonay in Somaliland tahay qayb ka mid ah dhulkeeda.

 

Dhinaca kale, Ethiopia si cad umma sheegin markii ay Soomaaliya wada gaadheen heshiiska Ankara dhowaan innay meesha ka saartay MoU ay la gaadhay Jamhuuriyadda Somaliland oo xilligan garawshiiyaha horumarka dumuqraadiyadda iyo deganaanshaha dhanka amniga ee ka hanaqaaday sii xoogaysanayo dhanka Beesha caalamka oo UK iyo US ugu horeeyaan.

Soomaaliya oo dhowaan gollaha Amaanka Qaramada kasoo saareen qaraar dhanka ciidamada nabad ilaalinta ayaa laga reebay ciidamada Ethiopia ee gaadhaya kumannaanka askari oo aan ka tirsanayn ciidamada Midowga Afrika, iyadoo aan la ogeyn doorka ay qaadan doonaan mustaqbalka.

Hase yeeshee Qoraal kasoo baxay Ethiopia, ayaa waxay ku sheegtay in labada dal ay ku heshiiyeen inay iska kaashadaan howlgalka dhanka nabad ilaalinta, wallow aannay faah-faahin dheeri ka bixin qorshaheeda nabada Soomaaliya.

Laakiin War saxaafadeedka kasoo  baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya ee Fiqi, ayaa  booqashada Wasiirka Diaaca Ethiopia Caasha Maxamed  kaddib wuxuu muujiyay in xidhiidhka dhanka Ethiopia uu yahay mid kasii fogaynaya in dalkiisu uu muujiyay rabitaankiisa ah in la tixgeliyo codsiga Ethiopia  ee ah innay ciidamo  Ethiopia ku biiriyaan howlgalka.

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com