X
    Categories: Warar

Booliska Somaliland Oo Sheegay Inay Boqolaal Dhalinyaro Ah Gacanta Ku Dhigeen Hawlgalo Cusub Iyo Hanjabaad Loo Diray Waalidiinta

Hargeysa(ANN)Ciidanka Booliska Somaliland, ayaa sheegay inay hawlgalo ka socday Caasimada Somaliland ee Hargeysa ilaa xalay ku qabteen dhalinyaro tiro ahaan gaadhay 200, kuwaas oo ay sheegeen in xabsiga Mandheera loo gudbin doono.
Taliyaha Booliska Cabdullaahi Fadal oo ay weheliyaan Taliye ku xigeenka Cabdiraxmaan Liibaan(Fooxle) iyo Wasiir ku Xigeenka Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Cali Gadh-dheer, ayaa saxaafada u xaqiiyay inay qabteen dhalinyaradaa oo ay sheegeen inay ka mid yihiin kuwa rabshado iyo falala amni daro ah ka waday caasimada, kuwaas oo sida ay ku doodeen gamcaha kula jiray denbiyo nabadgelyada caasimada wax u dhimaya.

Taliyaha Booliska, ayaa sheegay in maalmihii lasoo dhaafay ay qabteen 50 dhalinyaro ah oo ka mid ah Kooxaha dhalinyada ee hawlgalka ay wadaan ku waajahan yahay, kuwaas sida uu xusay Cabdullaahi Fadal xabsiga Mandheera loo dhaadhiciyay, isagoo sheegay in tirada ay hadda hayaan ee dhawrka boqol laga daba geynayo kuwaa hore.

Wasiir Ku xigeenka Amniga iyo Taliyaha Booliska, ayaa sheegay in wax laga bedelay sharcigii dhinaca amniga, waxayna fariin hanjabaad ah u direen Waalidiinta dhalay caruurta oo ay sheegeen in ilamaha laga waayo xaafadoodo fiidka marka la qabto waalidkiina la xidhi doono, waxayna ka dalbeen bulshada inay lasoo usoo sheegaan dhalinyarada qal-qaaliyiinta ah ee xaafadaha si ay gacanta ugu dhigaan.

Go’aanada ay sheegeen in laga soo saaray dhallinyaradaa iyo hanjabaadaha ay jeediyeen halkan ka daawo Riix

Araweelo News Network
Somaliland Office
E-mail Jaamac132@gmail.com
info@araweelonews.com

Arraale Jama: Arraale Mohamoud Jama is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com + 252 63 442 5380 + 252 63 4764409 + 252 63 442 5380
Related Post