X
    Categories: Warar

Booliska Somaliland Oo Sheegay In Ay Qabteen Sheekh Caan Ka Ah Hargeysa Iyo Koox Dhalinyaro Hubaysan Oo Qorshaynayay Falal Amniga Ku Lid Ah

Araweelo News Network

Saraakiisha Boliska u hadlay

Hargeysa (ANN)- Saraakiisha Taliska ciidanka Booliska Somaliland, ayaa sheegay in ay qabten Sheekh Aadan Sune oo  ka tirsan Culimada Somaliland Iyo Koox dhalinyaro ah oo hubaysan.

Afhayeenka Booliska Somaliland Gaashanle Sare Faysal Xiis oo warbaahinta la hadlay, ayaa  sheegay in kooxdaas ay maleegayeen falal amniga dalka.

 

Sidoo kale wuxuu sheegay in toobabar dab rid ah ay ku samaynayeen deeganka Uubaale oo dhinaca  koonfurta kaga beegan magaalada Hargeysa .

 

Afhayeenka Booliska Somaliland  Faysal Xiis, ayaa sidoo  sheegay  in  ciidamada Boolisku xalay hawl gal ay sameeyeen ku soo qabteen Sheekh Aadan Sune oo ka mid ah culimada ugu caansan magaalada Hargeysa, wuxuuna  ku tilmaamay qabashada Sheekh Aadan Sune in ay ka danbaysay markii sida uu  sheegay Boolisku ka war heleen inuu ku hawlanyay falal  khatar ku ah amniga Somaliland, Isla markaana taageero  u muujiyey kooxda dablayda ah ee ciidamada Boolisku qabteen.

 

Sidoo kale Afhayeenka,  ayaa sheegay in  markii la qabanayay Sheekh Aadan Sune uu kala hor yimi Booliska iska caabin xooggan, isagoo sida uu sheegay diyaarsaday dhalinyaro doonayay in ay difaacaan.

Dadweynaha Magaalada Hargeysa, ayaa xalay qaarkood maqlayay sanqadha rasaasta oo dhawaaqeeda laga maqlayay xaaafada qaarkood, waxayna arrinta qabashada wadaadka iyo kooxda boolisku sheegeen in hawlgabkaa lagu qabteen noqotay ta ugu hadalhaynta badan goobaha ay bulshadu ku kulanto ee magaalada hargeysa.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post