X
    Categories: Warar

Booliska Somaliland Oo Ka Hadlay Dhacdada Asakri Dilay Nin Dhalinyaro Ah Oo Maydkiisa Waraabe U Loogay Iyo Haweenay Boolisku Garaaceen


Hargeysa(ANN)-Taliska Ciidanka Booliska Somaliland, ayaa ka hadlay Wiil Dhalinyaro ah lagu dilay dhowaan Magaalada Wajaale ee xadka la wadaagta Kilalka shanaad ee Soomaalida Ethiopia si badheedh ah ugu dilay Askari ka tirsan ciidamada Somaliland, islakaana Maydka Marxuumkaa u loogay Waraabe cunay, kadibna raqdiisa la helay mar danbe.


Afhayeenka u hadlayey Ciidamada, Taliye Faysal Xiis oo maabta warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in Askariga dilka foosha xun geystay la xidhay, isla markaana sharciga lasoo taagi doono sida ugu dhaqsaha badan.

Gaashaanle sarre Faysal Xiis,

Gaashaanle sarre Faysal Xiis, waxa kale waxa oo uu ka hadlay falkii foosha xumaa ee Askar ka tirsan Boolisku kula dhaqmeen dadkii doonayay inay cabasho ka muujiyaan dilkaa Marxuumka, kuwaas mudaharaad la tegey dulleedka Saldhiga, isla markaana muuqaal Baraha Bulshada lasoo geliyay oo muujinayay Askar Haweenay dadkaa ka mid ah oo si foolxun ula dhaqmayaan Askartu, iyagoo garaacaya, muuqalkaa oo si weyn Bulshada uga cadhaysiiyay, markii lagu faafiyay Baraha Bulshada.

“14 Desember 2019, waxa denbi ka dhacay Magaalada Wajaale, waxa si badheedh ah u dilay Marxuum Somalialnd ah Askari Booliska ah, isagoo miyirkiisa iyo maankiisaba qaba waxayna Ciidanka Boolisku gacanta kusoo dhigeen Askarigaa dilka geystay iyo laba askari oo la socday, waxaana loo gudbiyay Xeerilaalinta si loogu qaado denbiga uu geystay, si dhaqso ahna waxa loo horgeynayaa Maxkamadda, si loogu qaado deniga uu geystay.” ayuu yidhi, Gaashaanle Faysal Xiis oo ka hadlayay dilkaa foosha xun.
Afhayeenka, ayaa sheegay in Taliyaha Ciidamada Booliska Somaliland, ku amaanay Ciidanka inay xakameeyaan mudaharaad ka dhacay Magaalada Wajaale markii dilku dhacay, isagoo ku dooday in Boolisku xakameeyeen in mudaharaadku ku faafo magaalada maadaama sida uu ku dooday ay tahay magaalo Ganacsi, balse waxa uu xusay in Taliyaha Boolisku amar ku bixiyay in lasoo qabto Askarta gacnta ula tagtay Haweenaydaa.


“Askar ka tirsan waxay farasaareen Haweenay ka mid ah dadkii bannaanbaxa samaynayay, waana lasoo xidhay Askartaa oo sharciga ayaa la horgeynayaa” ayuu yidhi,

Dhinaca kale, wuxuu ka hadlay Gaadhi xamuul ah oo shalay uu la baxsaday Kirishboygii gaadhiga, kaas oo lasoo qabtay, balse la raadinayo Ninka gaadhiga la baxsaday oo ka cararay markii uu ka galay meel doox ah oo qiyaastii 30km dhanka Woqooyi kaga beegan Oodweyne,

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post