Araweelo News Network

fadal
Hargeysa (ANN)- Ciidanka Booliska Somaliland, ayaa digniin culus u diray cid kasta oo ku kacda falal naxli wata oo halis ku ah ammaanka Qaranka iyo wadajirka shacabkiisa.
Taliska Guud ee Ciidanka Booliska, ayaa kaga dhawaaqay xaruntooda caasimadda Hargeysa in heegan buuxa la galiyey ciidanka kala duwan ee booliska, halkaas oo lagu fayliyey cutubyo ciidan iyo gaadiid qayb ka noqon doona fulinta hawlgalkan uu qaadayo Boolisku, si ay uga hortagaan falal kasta oo khalkhalgalinaya ammaanka caasimadda Hargeysa iyo guud ahaanba dalka.
Saraakiisha ugu sarraysay ciidanka Booliska oo warbaahinta kula hadlay xarunta Taliska xilli uu socday isu diyaarinta ciidanka ee heegan, ayaa tilmaamay sida ay muhiimka u tahay in guud ahaan shacabka reer Somaliland ilaashadaan nabadgalyadooda, lana shaqeeyaan ciidammada ammaanka.
Afhayeenka Ciidanka Booliska Gaashaanle Sare Faysal Xiis Cilmi, ayaa sheegay in hawlgalkan ciidanu samaynayaan qayb ka yahay waajibaadkooda shaqo ee ay horeba ugu xil saarnaayeen oo ah inay nabadgalyada sugaan.
“Ciidanka Boolisku toddobaadkii hore ilaa laba boqol oo tuug ama qas-wadayaal ah ayey gacan adag ku qabteen oo ay u gudbiyeen xabsiga dhexe, iminkana way galayaan, waxaannuna uga digaynaa cid kastoo oo rabshad wadda in ciidanku qabanayo, hawlgalkana waxa laga fuliyaan gobollada dalka oo dhan, ujeeddadiisuna waa sidii loo xoojin lahaa nabadgalayda dalka,” ayuu yidhi Afhayeenka Boolisku.
Sidoo kale, Taliye-ku-xigeenka Ciidanka Booliska Sarreeye Guuto Cabdiraxmaan Liibaan Axmed (Fooxle), ayaa isna sheegay in dadka lagu bartilmaameedsanayho hawlgalkan loogu tagi doono goob kasta oo uu ku sugan yahay, waxaannu dadweynaha ka codsaday inay arrintan gacan ka siiyaan.
Ugu dambayn, Taliyaha Guud ee Ciidammada Booliska Somaliland Sarreeye Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan, ayaa si gaar ah ugu digay dad uu sheegay inay si xun u adeegsadaan warbaahinta oo ay kicinayaan bulshada, waxaannu yidhi; “Beryahan dambe waxa jiray hadallo la isu marinayo warbaahinta oo ay wadaan dad kala taageersan axsaabta qaranka. Waxaan halkan uga digayaa qaar hore ayaa loo qabtay, qaarna hadda ayaa gacanta lagu hayaa. Cid kastoo falalkaa ku kacda waxa laga qaadi doonaa tallaabo sharciga waafaqsan, waayo wixii waxyeelaya nabadgalyada iyo qarannimada ciidanka boolisku isagoo kaashanaya hay’adaha kale ee amniga u dulqaadan maayo ee sharciga ayuu marinayaa, waxaan leeyahay cid kastoo falalka noocaas ah ku kacdaay oo marka hore ka joogiwayda waxa khaldan ee ay ku dhaqmayso ee bulshada kala fogaynaaya waa in aannu hadhow qaylin oo aan la odhan bilayskaa iska xidhay, marka u sheega qofka waxaas ku kacaya.”
“Imminka baadhis baa gacanta lagu hayaa oo halkan ka odhan maayo hebel iyo hebel, laakiin waxaan u sheegayaa meel kasta ha joogee cid kastoo falalka noocaas ah ku kacda in ciidanka boolisku tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadi doonaan. Waxa loo baahan yahay in qof kastaaba ka foojignaado waxyaabaha nabadgalyada qaranka Somaliland waxyeelaya ama bulshada dhegahooda xumaynaya,” ayuu yidhi Taliye Fadal.