X
    Categories: Warar

Booliska Sanaag Oo Ka Hadlay Dablay Weerrartay Saldhiga Ceergaabo

Taliyaha Qabyta Booliska gobolka Sanaag Cabdirisaaq Maxamed Faarax, By Araweelo News Network


Ceergaabo(ANN)-Booliska Gobolka Sanaag, ayaa ka hadlay weerrar xalay lagu qaaday Saldhiga Dhexe ee Magaalada Ceergaabo ee Xarunta gobolka Sanaag.


Taliyaha Qabyta Booliska gobolka Sanaag Cabdirisaaq Maxamed Faarax oo warbaahinta maanta kula hadlay Magaalada Ceergaabo, ayaa xaqiijiyey in koox dablay ah oo aan tiradooda iyo haybtooda la aqoonsan ay xalay weerrar ku qaadeen Saldhigga dhexe ee Booliska magaalada Ceerigaabo.


Taliyaha Qaybta Booliska, ayaa sheegay inaanu weerarkaas khasaare ka dhalan, balse waxa uu qiray in tacshiirado rasaas ah ay is dhaafsadeen Askarta Saldhigga joogtay iyo Dablaydu is-weydaarsadeen.

Dablaydan hubaysan ee weerrarka kusoo qaaday Saldhiga dhexe ee Booliska Ceerigaabo, ayaan weli la aqoonsan sida uu Taliyaha Qaybta Boolisku sheegay, balse waxa uu xusay inay dabagal iyo baadhitaan ku hayaan kooxda Dablayda ah, kuwaas oo sida uu sheegay aan la ogayn halka ay ka soo duuleen iyo ujeeddada ay Saldhigga u weerareen, isla markaana aanu ka hordhacayn baadhista.

Dhinaca kale, weerrarka kooxda dablayda ah oo ay tacshiirado rasaas ah is weydaarsadeen askarta ku sugnaa saldhiga, ayaa walaac dhanka amaanka ah ku keentay Bulshada ku dhaan Magaalada Ceergaabo, wuxuuna Taliyaha Qaybta Booliska gobolka Sanaag ee Somaliland Shacabka gobolka ku dhaqan, gaar ahaan kuwa magaalada Ceerigaabo ugu baaqay inay Ciidanka Ammaanka is-garab-taagaan oo ay caawiyaan, si nabadgelyadoodu u noqoto mid sugan.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post