X
    Categories: Warar

Booliska Kenya Oo Soo Bandhigay Hub Culus Oo Lagu Qabtay Guddaha Dalkaa

Nairobi(ANN)Booliska Dalka Kenya, ayaa soo bandhigay Hub culus oo lagu qabtay guddaha dalka Kenya, kaas oo ay sheegeen la doonayay in lagu khal-khaliyo amaanka dalkooda.
Hubkaa oo noocyo kala duwan ah, ayaa lagu qabtay Magaalada Gaarisa ee gobolka Woqooyi Bari ee Kenya, iyadoo laba maalmood ka hor sidan oo kale Hub lagu qabtay magaalada Gaarissa sida ay sheegeen saraakiisha amaanka Kenya.

Sarkaal lagu magcaabo Maxamuud Saalax oo ah Xidhiidhiyaha Arrimaha Amaanka ee gobolka Woqooyi Bari ayaa sheegay in Hubka maanta ay Gaarisa ku soo bandhigeen laamaha Amniga uu ka badan yahay, isla markaana ka awood baddan yahay kii ay hore ugu qabteen halkaa laba maalmood ka hor.

Sarkaalkaa ayaa sheegay in hubka ay soo qabteen uu yahay mid haddii aanay ku guulaysan qabashadiisa uu khatar weyn ku ahaa dalka, isagoo ydhi, “Hubkan haddii aan la qaban wuxuu ahaa mid dumin kara Buundada Gaarisa”

Garissa waxaa hore uga dhacay weeraro kala duwan oo Al-shabaab ka fuliyeen guddaha dalka Kenya, waxaana April 3, 2015, weerarkii Jaamacadda Garissa ee ka dhacay Woqooyi Bari Kenya ku dhintay 148 qof oo Arday u badnayd, wuxuuna ahaa weerarkii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhaca guddaha Kenya tan iyo Oct, 2011, xiligaa oo Ciidamada Kenya guddaha u galeen Somalia, wuxuuna Kenya xusuusiyay weerarka Jaamacadda Garissa weerarkii qaraxyada Safaarada Maraykanka ee Nairobi 1998, kaas oo 200 qof ku dhinteen.

Sep. 2013, waxa dhacay Kenya weerar sidan oo kale, kaas oo ay xarakada Al-shabaab ku qabsadeen dhimaha xarunta ganacsiga ee Westgate Mall, halkaas oo ay sadex maalmood ku haysteen dad u dhashay dalal shisheeye oo dublamaasiyiin ah iyo dad Kenayan ah, balse ugu danbayntii ay si nabadgelyo ah uga baxaeen kooxdii weerarka fulisay, waxaana ku dhintay 67 qof.

Ciidamadda Kenya ayaa dagaal la galay Al-shabaab Oct, 2011. kadib markii laba qof oo ajaanib ah Al-shabaab kasoo afduubtay gudaha Kenya, kuwaas oo ay dhinaca Somalia ula soo gudbeen, balse wixii mudadaa ka danbeeyay Al-shabaab waxay weeraro gaadmo ah iyo qaraxyo ka fulinaysay gudaha dalka kenya, waxayna weeraradu noqdeen kuwo xaalada amaanka dalka Kenya wax weyn ka bedelay, iyadoo sheegtay Al-shabaab inay weerardu jawaab u yihiin duulaanka ciidanka kenya ee gudaha Somalia, waxaana hubka ay Booliska Garissa qabteen la rumaysan yahay in la doonayay in hawlgalo ka dhan ah amaanka lagaga fuliyo guddaha dalka Kenya.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post