X
    Categories: Warar

Booliiska Somaliland Oo Jawaab Ficil Ah Ka Bixiyay Foolxumada Tacadi Askari U Geystay Haweenay

Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliska Somaliland, Sareeye Guuto, Maxamed Sanqadhi Daba-gale,

Hargeysa(ANN)-Booliiska Somaliland ayaa tallaabo ka qaaday Askari shaaraca ku garaacay qof dumar ah, kaas oo muuqaalo laga qaaday lagu shaaciyay maanta shebekaddaha iyo baraha Bulshada.


Sidoo kale Ciidanka Booliska, ayaa ku guulaystay inay gacanta ku soo dhigaan Nin ku eedeysan dembiyo kufsi iyo dil u geystay gabadh da’deeda ahayd 15 jir, deegaanka Lughaye ee galbeedka Somaliland.


Sida ay warkaa u xaqiijiyeen illo lagu kalsoon yahay u xaqiijiyeen the THT, eedeysanaha, waxay ganacta ku soo dhigeen ciidanku markii falku dhacay, iyadoo Taliyaha Ciidanka Booliisku Sareeyo Gaas, Maxamed Aadan Saqadhi ugu diray hawlgal deegaanka falku ka dhacay ee Lughaya.
Dhinaca kale, qoraal barta Facebook ee Ciidanka Booliisku Somaliland leeyahay lagu baahiyey maanta ayaa lagu sheegay in shaqadii ciidanka laga eryey askari wadadda dhexdeeda ku garaacaya qof dumar ah, kaas oo lagu faafiyay muuqaal laga duubay baraha Bulshada.


Fariinta Taliska Ciidanka Booliska Somaliland, ayaa lagu yidhi,“Saacado ka hor waxa baraha bulshada la soo geliyey saddex allifle Mahad Cabdi Cismaan oo gacan u qaaday ruux dumar ah. Shacabka Somaliland waxaan u sheegaynaa annaga oo ka duulayna in booliisku yahay saaxiibka dadweynaha in la ruqseeyey askarigaa xadgudubka sameeyey, isagoo xidhan sharaftii ciidanka booliiska Somaliland, saacado gudahood.


Booliiska Somaliland waa saaxiibka dadweynaha.” ayaa lagu yidhi, qoraalka.


Dhinaca kale, talaabada uu ka qaaday Taliyaha Booliska Somaliland Askariga gacanta u qaaday gabadhaa, ayaa muujinaysa in Taliyaha cusub ayaa u muuqda mid talaabooyinka uu qaaday yihiin kuwo loo baahnaa oo meesha ka saaraya habdhankii hore looga bartay Booliska, taas oo meesha ka saaray in askarta Boolisku kula kacaan shacbiga ay nabadgelyadooda ilaaliyaan waxyaabo sharciga iyo qaanuunka dalku aanu ogolayn.
.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post