X
    Categories: Warar

Bissad Ka Haajirtay Afrika Oo Safarkeeda Tahriibtu Soo Jiitay Warbaahinta Aduunka Marki AyGashay Dalka Talyaaniga

Rome(ANN)Warbaahinta reer galbeedka, ayaa soo bandhigtay Bissad yar oo ka tahriibtay Afrika, isla markaana ku guulaysatay inay inay u haajirto dalalka qaarada Yurub. Kadib markii Bissadaa oo lath magcaabo Lola gashay dalka Talyaaniga.

Bissada ayaa ka haajirtay dalka Sudan, waxayna iyada I yo qofkii lahaa safar dheer oo dhib baddan ku mareen saxaraha Libiya, iyadoo ku jirtay shandad uu sitay qofkii lahaa Lila.

Sida at baahisay wakaalada wararka Reuters waxa Bissada iyo muhaajiriintii la socotay he lay ciidamada ilaalada shidaalka we Britain, kuwaas oo gurmad u sameeyay doontii ay la socotay.

Jaziiradar Lampedusa, ayaa la gee yay Bissada Lola. Kadib safar ku dhowaad Bil ay kusoo jirtay Saxaraha I yo Badda Meditranian, waxayna nasiib u yeelatay inay so nabad ah ugu gudubto dalalka qaarada Yurub, iyadoo sanad walba kumaaan qof too muhaajiriin ah ku nafwaayaan sàfarkaa sheet.

Lola ayaa la geeyay meel lagu xanaaneeyo xayawaanka, waxayna Bissadan soo jiidatay indhaha Warbaahinta Caalamka, iyadoo tusaale u noqotay muhaajiriinta ka cararaya Afrika ee kusii qul-qulaya Yurub oo Bissada Lola muujisay in Xayawaankiina ka hàajirayaan Afrika sababo Collaado, faqri I yo musuq-maasuq oo la hadhay dalalka Afrika.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post