X
    Categories: Warar

Bilyandheerka Reer Masar Oo Ku Hanjabay Inuu Naftiisa Khaarajinayo Haddii Bandowga Coronavirus Sii Socdo

Naguib Sawiris


Qaahira(ANN)-Bilyandheerka u dhashay dalka Masar, Naguib Sawiris ayaa ku hanjabay inuu is dilayo oo naftiisa haligayo, haddii ay xukuumadda Masar ee dalkaa sii wado talaabooyinka bandowda ah ee lagula dagaallamayo faafitaanka Coronavirus.


Naguib Sawiris, wuxuu sidaa ku hanjabay kadib markii xukuumadda dalka Masar soo rogtay bandaw laba toddobaad socotay, taas oo la donayo in aannu cudurka Caronavirus ugu sii fidin dalkaa oo ka mid ah dalalkii ugu horreeyay ee Caabuqa COVID-19, soo gaadhay, tan iyo markii uu Desember 2020, kasoo ifbaxay magaalada Wahun ee dalka Shiinaha, halkaas oo ahayd halka uu kasoo faafay Fariska xilligan isaga gudbay dinida ee sida weyn u dhibaateeyay.


Sidaana wuxuu ku sheegay, Waraysi uu siiyay telefishanka maxalliga ah ee Al-Hadad, isagoo yidhi “wax aan kuu sheego wax baa ka jira, waan is-del-deli doonaa haddii ay kordhiyaan muddada bandoowda.”

Bilyandheerka u dhashay dalka Masar, Sawiris, oo ah ninka labaad ee ugu taajirsan dalka Masar, ayaa sheegay in shaqaaluhu ay ku laabtaan Warshedaha, marka la gaadho dhamaadka bandowda ee loo qorsheeyay 8-da Apriil, si looga hor tago bur-burka dhaqaale ee waddanka oo dhan soo waajahay.


Sawiris, ayaa ka hadlay xogta qarsoon ee ku saabsan fayriska, isagoo yidhi, “keliya wuxuu dilaa Coronavirus boqolkiiba hal bukaannada, oo u badan dad waayeel ah.”, wuxuu sheegay in loo baanahayahay go’aan kacdoon ah, iyadoo la eegayo cawaaqibka ka dhalan-kara xaaladda haddii lagu sii jiro bandowda, “Xataa haddii dadku xannuunsadaan oo uu helo Caabuqa COVID-19, way kasoo kabaan karaan.” ayuu yidhi, isagoo la hadlaya Al-Hadath. wuxuu sheegay in marka la eeggo tirada dhabta ah ee dhimashada dalka oo dhan ee caabuqa COVID-19, waxa uu sheegay in aannay ka badnayn 6% (boqolkiiba Lix) dadka uu soo ritay Fayriska.


Xukuumadda Dalka Masar, ayaa sheegtay in tirada dadka caabuqa COVID-19, uu haleelay ee dalka oo dhan ay yihiin, 656 xaaladood, kuwaas oo ay ku jiraan 42 dhimasho ah, halka ay kasoo kabteen 150, ka mid ah tiradaa. sida ay shaacisay Wasaaradda Caafimaadka dalka Masar.


Bilyandheerka u dhashay dalka Masar, Sawiris, oo leh shirkaddo waaweyn, isla markaana aad looga yaqaan dunida, ayaa soo jeediyay talo ahaan in ay ahayd in shaqaaluhu seexdaan Warshedaha oo aannay ku noqon guryahooda, isla markaana la xadido dhaq-dhaqaaqa aan loo baahnayn, si aannu u lumin wax-soo-saarkii.

Sidoo kale, wuxuu ku taliyay in ay xukuumaddu soo dejiso qalab caafimaad oo tijaabo ah oo ku filan dalka, si loo baadho dadka, isla markaana kuwa qaba calaamadaha COVID-19, ee lagu arko loo karantiimeeyo haddii loo baahdo

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post