Araweelo News Network

BrusselsuspectedBrussels (ANN) Dawladda Belgium, ayaa shaacisay in ay aqoonsadeen laba walaalo ah oo ka mid ah saddexdii qof ee fuliyey weerarradii isqarxinta ahaa ee maalintii Salaasaddii lagu qaaday madaarka diyaaraha ee Brussels iyo goob laga raacayo tareennada dhulka hoostiisa mara, kuwaas oo ay ku dhinteen 34 qof, kuna dhaawacmeen 261 kale.
Dacwad-oogaha guud ee dalka Belgium Frederic Van Leeuw, ayaa xaqiijiyey in laba ka mid ah ragga fuliyey qaraxyadu ay ahaayeen walaalo u dhashay dalkooda oo la kala yidhaa Brahim El Bakraoui iyo Khalid El Bakraoui, kuwaas oo labaduba ku dhintay isqarxinta.
Warbaahinta Belgium ayaa sheegtay in boolisku caddeeyey in Brahim El Bakraoui oo da’diisa lagu sheegay 30 jir uu isku qarxiyey madaarka diyaaradaha, halka walaakii Khaalid oo isna ahaa 27 sanno jir uu ku qarxay saldhigga tareenka ee Maelbeek. Waxa kaloo la sheegay in boolisku yaqaaneen labadan wiil oo hore u lahaa taariikh falal dambiyeedyo ah, balse aanay ku lug lahayn ficillo argagixiso.
Haseyeeshee, waxaan weli la aqoonsan qofkii labaad ee isku qarxiyey madaarka diyaaradaha, iyadoo si xoog ah loo raadinayo eedaysane afraad oo isagu baxsaday, kana tagay garoonka ka hor intii aan la qarxin.
Dhinaca kale, Booliska ayaa helay farriin dardaaran ah oo uu qoray Brahim El Bakraoui ka hor intaanu fulin weerarka ismiidaaminta ah, taas oo laga dhex helay kombuyuutar ku dhex jiray koontiinar xashiish oo yaala dariiq 15KM u jira gurigii ay ku samaysteen walxaha qarxay.
brusselsuspected2
Farriinta dardaaranka ah ee uu ka tagay wiilka isqarxiyey, waxa uu kaga hadlay sababta ku keliftay inuu khaarajiyo naftiisa iyo kuwa kale ee dadkii uu ku laayey madaarka diyaaradaha, “Ma garanayo waxaan sameeyo, waxaan ku jiraa orad, dadka oo dhami way i soo eegayaan meel kastoo aan tago, haddii aan is dhiibana waxaan ku dhammaysanaa jeel,” ayuu ku yidhi Brahim qoraalkiisa.
Waxa kaloo dacwad-oogaha guud ee Belgium sheegay baadhitaan ballaadhan oo boolisku ku sameeyeen guri guri ay ku soo heleen 15 Kiiloo oo walxaha qarxa ah, qori AK-47 ah iyo calanka kooxda Daacish.
Geesta kale, Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa fashiliyey sir guuldarro ku ah sirdoonka iyo ciidammada ammaanka ee dalka Belgium oo la xidhiidha weerarka Brussels.
Madaxweynaha Turkigu waxa uu sheegay in mid ka mid ah ragga weerarka ka fuliyey Brussels oo ah Brahim El Bakraoui ay ciidammada ammaanka ee Turkigu ku xidheen magaalo la yidhaa Gaziantep oo ku taal xuduudka dalkiisu la leeyahay Suuriya, kadibna ay dib ugu mastaafuriyeen Belgium oo ay madaxdiisa ku wargeliyeen inuu ninkaasi yahay khatar xagjir ah, balse dawladda dalkaasi ay ku guuldarraysatay inay xaqiijiyaan xidhiidhka uu la leeyahay kooxaha argagixisada ah.

Weerraradan waxa masuuliyadooda sheegatay kooxda Daacish ama ISIS ee ka dagaallanta dalalka Ciraaq iyo Suuriya, isla markaana wada inay isku fidiyaan meelo badan oo adduunka ah, inkastoo uu ku socdo dagaal iyo weerraro uu hormood u yahay Maraykanku.

Follow us: @Araweelonews on Twitter | Arraale M Jama
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
WhatsApp + 252 63 442 5380 Send an SMS or MMS to + 252 659107347