X
    Categories: Warar

Bilawga Wadahadalada Somaliland Iyo Somalia Ee Turkiga Oo Lagu Soo Laabtay Miiska

Hargeysa(ANN)Wadahadalada Somaliland iyo Somalia, ayaa mar kale dib uga bilaabmay dalka Turkiga. Kadib markii labada dhinac dib u dhac weyn ka yimi qorshaha wadahadaladaa oo marayay wejigii Afraad, isla markaana beesha caalamku dabada ka riixaysay.
Wasiirka wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Xirsi Xaaji Cali Hasan, ayaa Jimcihii u anabaxay Caasimada Dalka Turkiga ee Ankara, wuxuuna mar uu warbaahinta u sheegay in socdaalkiisu qayb ka yahay ka qayb galka wadahadalo hor dhac u ah wejiyadii looga gudbi lahaa qorshihii wadahadalka oo dhawr jeer dibh u dhac ku yimi xiliyadii loo balamay ee hore.
Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland, wuxuu sheegay in Isaga iyo wasiirka Arimaha Dibada Maxamed Biixi Yoonis oo ku sugan Dalka Turkiga ayaa dhinaca Xukuumadda Somaliland u metelayaan wadahadalka, iyadoo dhinaca kale ee Xukuumadda Somalia ay ka imanayaan laba xubnood.

Arraale Jama: Arraale Mohamoud Jama is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com + 252 63 442 5380 + 252 63 4764409 + 252 63 442 5380
Related Post