X

Berbera: Dhalinyarada Oo Isu Soo Bax Ku Muujiyay Cabashooyinka Ka Taagan Qaabka Aan Sharciga Ahayn Ee Loo Qaato Shaqaallaha Iyo Jawaabta Maamulka

Dhalinyaro ka cabanaya qaabka loo maamulay fursado shaqo oo kasoo baxay Berbera, Image Araweelo News Network 13 July 2021.

Araweelo News Network.

“Shirkadda la leeyahay qandaraas ayay qaadatay meel lagu shaaciyay oo loogu tartamay qandaraaska ma jirto”

 

Berbera(ANN)-Qaar badan oo ka mid ah dhalinyaradda ku dhaqan Magaalada xeebta ah ee Berbera, ayaa si weyn uga muujiyay dareen cadho ah qaabka loo maamulo shaqooyinka kasoo baxa Magaaladda.

Dhalinyaradda, ayaa saaka si ay dareenkooda ugu muujiyaan cabashooyinka ay qabaan isgu soo baxay Magaaladda, waxayna sheegeen in shaqaalle laga soo waariday dhinaca Magaaladda Hargeysa ee Caasimadda Somaliland si hoose loogu qoray shaqooyinka soo baxay, taas oo ay ku sheegeen mid ka fog cadaaladda.

Arrintan, ayaa ka dhalatay fursado shaqooyin oo kasoo baxay qaybta cusub ee Dekedda Berbera oo dhowaan xadhiga laga jaray iyo sidoo kale Madaarka Caalamiga ah ee Berbbera oo shaqaalle  loo qaadanayay, balse waxay sheegeen in ay nasiibdaro tahay in aan fursadahaa shaqo laga qaybgelin dhalinyaradda deegaanka, isla markaana aan loo marin nidaamka saxda ah iyo sharciga dalka.

“Cabashadayadu waxa weeye shaqaallaha laga soo waaridayo Hargeysa, hadday Dekedda tahay, Madaarka iyo shaqooyin kale oo jiraba, “sidaa waxa yidhi, mid ka mid ah dhalinyaradda isu soo baxa sameeyeey oo warbaahinta la hadlayay.

“Saaka waxaan u tagnay oo cabashada aannu qabno u gudbinay Badhasaabka, wuxuu noo sheegay in ay hawshaa wadatay shirkad oo aannu waxba ka oggayn, shirkadda la leeyahay qandaraas ayay qaadatay meel lagu shaaciyay oo loogu tartamay qandaraaska ma jirto, waana in la caddeeyaa, ayuu yidhi, mid kale oo ka mid ahaa dhalinyaradda.

Dhinaca kale, Badhasaabka gobolka Saaxil, Axmed Xaashi oo warbaahintu wax ka weydiisay arrintaa, ayaa sheegay in ay hayd khalad oo aannay waxba kala socon maamul ahaan iyo xukuumad ahaan, sidaa awgeed ay arrinta cabashadu markii ay soo baxday la kulmeen shirkadda hawsha wadatay oo ay u sheegeen in ay dib isugu noqonayaa, wuxuuna usoo jeediyay dadweynaha, gaar ahaan dhalinyaradda in ay is dejiyaan oo ay ka war sugaan xaaladdda.

 

Muuqaalka Cabashada Halkan Hoose ka Daawo

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

 

 

 

 

 

 

 

 

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post