X
    Categories: Warar

Berbera Dab Qabsaday Wiish Dekeddu Leedahay

Wiishka oo gubanaya Dekedda Berbera 5 Sep 2019, Araweelo News Network.

Berbera(ANN)-Dab ayaa qabsaday Wiish kuwa Dekedda Berbera istimaasho ee muhiimka ah, kaas oo ka mid aaha saddex Wiish oo Dekedda lagu soo kordhiyay horaantii sannadkan, isla markaana Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi xaflad loo qabtay xadhiga ka jaray Apr 15th, 2019.

Dabka, ayaa la arakay maanta gelinkii danbe, lamana ogga sababta keentay dabka qabsaday Wiishkaa oo shufbeelay, isla markaana aan wax gurmad lagu baqtiinayo aanay muuqan. sida ay Shebekadda Araweelo News Network u sheegeen dadka ku sugnaa Dekedda xilliga Wiishku gubanayay.

Dekedda Berbera 5 Sep 2019, Araweelo News Network.

Maamulka Dekedda Berbera, ayaan ka hadin weli mushkilada dabkaa, wuxuuna Wiishka gubtay ka mid ahaa Wiishashka badeecaddaha ka dejiya Maraakiibta, ama badeecadaha culus rara, isla markaana Wiishkan iyo laba Wiish oo kale, wuxuu Maareeyaha Dekedda Berbera xilligaa sheegay inay yihiin Wiishash casri ah.

Daawo: Berbera Dab Qabsaday Wiish Dekeddu Leedahay

 “Wiishashka (Mobile Harbor Crane) cusub ee loo keenay dekedda Berbera oo Xaddiga qaadistoodu dhantahay 120 tone (Boqol iyo labaatan tan), qiimahooduna dhan yahay 12 milyan (Laba iyo Toban milyan) oo dollar” sidaa waxa yidhi, Mamulka Dekedda Berbera markii loo qabtay munaasibada loogu xafladeeyay Apr 2019.

Dekedda Berbera, ayaa marar badan dab sidan oo kale ka kacay sababay khasaare, waxaana muuqata in aanu jirin gurmad deg-deg ah oo lagula tacaalo masiibooyinkan oo kale.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post