X
    Categories: Warar

Beledweyn Oo Isgaadhsiinta Hawadda Laga Saaray Kadib Khilaaf U Dhexeeya Ciidamada Ethiopia Iyo Kuwa Djibouti.

Beledweyne(ANN)Xaalada magaalada BeledWeyne ee xarunta gobolka Hiiraan, ayaa waajahday godoon dhinaca Isgaadhsiinta ah. kadib khilaaf soo kala dhexgalay Ciidamada u jooga deegaanka nabad ilaalinta ee kasoo kala jeeda Ethiopia iyo Djibouti.

warar laga helay dadka deegaanka, ayaa sheegaya in khilaaf mudooyinkii u dhexeeyay oo u dhexeeyay labada Ciidan uu sababay in Isgaadhiinta gobolka Hiiraan hawada laga saaro, taas oo ka dhigtay magaalada mid godoon ah.

Ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay saraakiisha Ciidamada labada dal ee ku sugan halkaa, balse waxa jira warar laga soo xigtay dadka deegaanka oo sheegaya in khilaafku ka dhashay dhaqaalle baddan oo kasoo gala barta loo yaqaan Kala- baydhka oo ay labada dhinac isku maan dhaafeen sida loo maamulayo.

Labada Ciidan oo ka mid ah Ciidamada nabad ilaalinta AMISOM ee ku sugan Somalia, ayaa marar hore waxa soo baxay inuu jiro khilaaf u dhexeeya oo ka dhashay joogitaankooda halkaa.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post