X
    Categories: Warar

Beesha Caalamka Oo Ka Digtay Doorashadda Jubbaland

James Swan iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe

Kismaayo(ANN)-Wakiillada Midowga Afrika, IGAD iyo Qaramada Midoobay, ayaa ka digay in haddii aan xaaladda cakiran ee Kismaayo xal loo helin ay xasillooni-darro u horseedi karto maamul gooleedka Jubbaland.


Dhawaaqa cabsida muujiyay ee kasoo baxay Wakiillada Midawga Afrika, IGAD iyo Qaramada Midoobay, ayaa yimi kadib markii ay Xubnaha ka socdaa booqasho ku tageen magaalada Kimaayo si ay usoo qiimeeyaan khilaafka cakiran ee doorashada, waxayna ugu baaqeen dhinacyada ku loolamaya in hannaan keliya loo maro doorashada.

Sidaana waxa lagu sheegay qoraal War-saxaafadeed kasoo baxay xubnaha oo jawaab u ah, waxyaabaha ay kusoo arkeen magaalada Kismaayo shalay, kadib kulamadii ay la yeesheen dhinacyada ku loolamaya iyo madaxda siyaasadda ee maamulka Jubbaland iyo mucaaradka.

War-saxaafadeedka, waxay Xubnahaasi dhinacyada ugu baaqeen inay ka fogaadaan wixii keeni kara gacan ka hadal, isla markaana khilaafkooda ay ku xalliyaan si nabadgelyo ah.

Doorashada hoggaanka maamulka Jubbaland ayaa loo qorsheeyay inay dhacdo 19-ka bishan August, 2019, balse waxa jira khilaaf u dhexeeya Madaxweynaha Jubbaland iyo musharrixiinta mucaaradka , waxaana laga cabsi qabaa inay mucaaradku doortaan hoggaan u gaar ah, taas oo natiijadeedu keeni karto colaado iyo dagaalo ka qarxa Jubbaland.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post