X
    Categories: Warar

Beesha Caalamka Oo Ka Dayrisay Doorashooyinka Somalia

Araweelo News Network

Golaha Wasiiradda Somalia Photo file Araweelo News Network

Mogadishu(ANN) War qoraal ah oo kasoo baxay wadamada beesha Caalamka, ayaa walaac lagaga muujiyay qabsoomid la’aanta doorashooyinka madaxtinimo ee Somalia.

‘Beesha caalamka’ waxay sheegtay in Hoggaanka dowladda Federaalk ay musuq maasuq iyo xagal daacin ku hayaan hanaanka doorashada la filayo in Somalia ay ka qabsoonto dhowaan.

War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya (UNSOM), si wadajir ahna ay u soo saareen Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, urur goboleedka IGAD, Ethiopia, Talyaaniga, Sweden, Ingiriiska iyo Maraykanka, ayaa lagu sheegay inay aad uga walaacsan yihiin ‘eedeymaha sii soconaya ee la xidhiidha musuq maasuqa ka dhex jira nidaamka doorashada ee Soomaaliya iyo wararka ku saabsan cabsi galin soo noqnoqnaysa oo loo gaysanayo musharraxiinta Baarlamaanka, odayaasha xubnaha soo dooranaya iyo saraakiisha doorashooyinka’.

Qolyaha qoraalka soo saaray waxay kaloo sheegeen inay ka xun yihiin dib u dhaca codbixinta aqalka hoose ee Baarlamaanka oo la qorsheeyey iuu billowdo 23 Oktoobar ‘sida lagu xusay jadwalkii dib loo eegay ee ay qoreen guddiga heer federaal ee doorashooyinka dadban (FIEIT)’.

Beesha caalamku waxay qoraalkaas si adag kaga dalbatay dhamaanba dhinacyada ku lugta leh inay qaadaan tallaabooyin degdeg ah oo lagu dhawrayo kalsoonida lagu qabo hanaanka doorashada ee waddanka, kaasoo ay tahay ‘inuusan bixinin fursad ay qolyaha qas wadayaasha ah ku faragelin karaan ama ay ku carqaladayn karaan’.

Waxay uga digeen maamul goboleedyada iyo guddiyada doorashooyinka ee heer dawlad goboleed in ay qaadayaan mas’uuliyadda, haddii odayaasha wax dooranaya ay guul darraystaan, waxayna intaa ku dareen in madaxweyneyaasha dawlad goboleedyada ay gacan ka gaystaan ‘xallinta khilaafaadka beelaha ee hor taagan dhamaystirka kuraasta loo qoondeeyey aqalka hoose iyo xulidda ergooyinka’. Hadalka qoraalka ah oo dheeraa ayaa lagu soo gabagabeeyey ‘ma jiro wakhti la lumiyo’.

Dhinaca kale Siyaasiyiinta mucaaradka ah , ayaa hore ugu eedeeyay Xasan Sheekh iyo xukuumaddiisa in ay musuq maasuq iyo laaluush ka wadaan Muqdisho, islamarkaana ay ka baqdin qabaan in lacagihii dowladda soo gelayay ku iibsadaan codadka xildhibaanada.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post