X

Beesha Caalamka Oo Digniin Culus U Dirtay Hoggaamiyaasha Ku Muransan  Xaaladda Soomaaliya

Araweelo News Network.

Beesha Caalamka Oo Digniin Culus U Dirtay Hoggaamiyaasha Ku Muransan  Xaaladda Soomaaliya

Nairobi(ANN)-Daneeyayaasha arrimaha Soomaaliya ee la baxay Beesha Caalamka, ayaa ka hadlay xaaladda sii xumaanay ee khilaafka Siyaasada Soomaaliya.

Bayaan ay soo saareen koooxda la baxay Beesha Caalamka, waxay ku muujiyeen sida ay uga walaacsan yihiin khilaafka hoggaamiyaasha siyaasada ee ku muransan arrimaha doorashada.

Qoraalka Bayaankooda, waxay dhinacyada ugu baaqeen in ay tixgeliyaan heshiishkii ay saxeexeen17  September 2020,isla markaana si deg-deg ah isugu yimaadaan si loo dhamaystiro hirgelinta hannaanka doorashada.

Sidoo kale, waxay ugu baaqeen sida ay lagama maarmaanka u tahay in lasii amba-qaadayo howshii ay qabteen Guddida Farsamada ee ku kulmay magaalada Baydhabo muddadii u dhaxaysay 15-16 February.

“Madaxda Federaalka iyo kuwa Dowlad Gobolleedyada waa inay sidoo kale joogteeyaan xidhiidhka furan ee ay la yeeshaan madaxda kale ee siyaasadeed ee Soomaaliya iyo bulshada rayidka ah si loo xaqiijiyo in doorashadu noqoto mid hesha taageerada ugu ballaadhan ee suurtagalka ah, isla markaana guddiyada doorashooyinku ay u hawlgalaan si ka madaxbanaan dano siyaasadeed.” ayaa lagu yidhi, Bayaanka.

Kooxda, ayaa sidoo kale ka hadlay rabshadihii dhimashada sababay ee ka dhacay Magaalada Muqdishi, waxayna iyagoo arrintaa ka hadlaya yidhaahdeen.

“Saaxiibada caalamku waxay ka walaacsan yihiin dhacdooyinkii rabshadaha watay ee ka dhacay Muqdisho 19 February 2021, sidaa awgeed waxaan ugu baaqaynaa dhamaan dhinacyada inay dejiyaan xaaladda oo ay is xakameeyaan si wadahadalka siyaasadeed hore ugu sii socdo.”

Madaxda siyaasadeed ee Soomaaliya, waa in ay danta qaranka ka dhigaan ta koowaad, waana in ay ka wada shaqeeyaan sidii loo qaban lahaa doorashooyin leh taageero ballaadhan oo ku qabsoonta sida ugu dhakhsaha badan ee suurtagalka ah, si dalka hore loogu dhaqaajiyo. Saaxiibada caalamku waxay si fir-fircoon uga taageerayaan dadka Soomaaliyeed sidii ay ku gaadhii lahaayeen natiijadaa” ayaa lagu yidhi, qoraalka.

Bayaanka oo ku taariikhaysan 23, February 2021,  waxa si wada jir ah usoo saaray, Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Dalalka Canada, Denmark, Masar, Ethiopia, Midowga Yurub (EU), Finland, France  Germany Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Italy  Japan, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Norway iyo dalalka Qadar, Sweden ,Switzerland , Turkey, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, ee Qaramada Midoobay.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post