X
    Categories: Warar

Baydhabo: Dad ka Badan Boqol Qof oo Loo Qabtay Tuhunno la Xidhiidha Sheekh Masjid Lagu Dhex Toogtay

Baydhabo (ANN)Sheekh Xuseen Xasan (Soorma-daare), ayaa lagu dhex toogtay masjid ku yaal magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay oo ka tirsan Soomaaliya.
Maamulka Gobolka Bay ee Soomaaliya, ayaa u sheegay saxaafadda in sheekha oo caan ka ahaa degaanka la toogtay xilli uu ku jiray salaada cishaa’iga ee habeenkii Salaasada, iyadoo arrintaasina argagax ku abuurtay dadweynaha degaanka Baydhabo, gaar ahaan dadkii masjidka ku cibaadaysanayey.
Taliyaha Qeybta Booliska gobolka Bay Col. Mahad Cabdiraxmaan, ayaa sheegay in hawlgal boolisku sameeyey lagu qabqabtay dad ka badan boqol qof, kuwaasoo lagu xidhay saldhig boolis, laguna hayo baadhis la xidhiidha dilka loo gaystay ninka sheekha ahaa.
Waxa kaloo taliska boolisku tilmaamay inay ku rajo weyn yihiin sidii gacanta loogu dhigi lahaa, ciqaabtiisana loo marin lahaa qofka toogtay sheekha ku cibaadaysanayey masjidka magaalada Baydhabo, isla markaana dadka la qabqabtay lagu samaynayo baadhis, cidii aan wax dambi ah gelina loo celin doono xoriyooda.
Sheekh Xuseen Xasan (Soorma-daare) ayaa noqonaya sheekhii labaad ee muddo bil gudaheed ah lagu dilo gudaha magaalada Baydhabo ee dalka Soomaaliya, iyadoo sidan oo kale Allaah ha u naxariistee sheekh Shariif Siid Cali lagu toogtay halkaas 18 January 2015, waxayna arrintaasi muujinaysaa sida ammaanku faraha uga baxay.
Ma jirto cid si rasmi ah u sheegata dilalka culimada lagu laayey magaalada Baydhabo, iyadoo sidoo kale aanay booliska Soomaaliya gacanta ku dhigin kooxaha fuliya dilalka culimada, marka laga reebo dad badan oo hawlgalka booliska lagu qabqabto.

Araweelo News Network
Somaliland Office
E-mail Jaamac132@gmail.com
info@araweelonews.com

Arraale Jama: Arraale Mohamoud Jama is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com + 252 63 442 5380 + 252 63 4764409 + 252 63 442 5380
Related Post