X
    Categories: Warar

Bariis Laga Sameeyay Caag Oo Dawlada Nigeria Qabatay

Araweelo News Network


Lagos(ANN)- Xukuumadda Dalka Nigeria , ayaa la wareegtay 2.5tan oo Bariis caag ah si qarsoodi ah lagu geliyay dalkeeda, sida ay sheegeen saraakiisha dowladda dalkaasi Shixnada Bariiska ah ee la qabtay ayaa laga keenay Dalka Shiinaha.
saraakiisha dowladda iyo laanta adeegyada macaamiisha ee dalkaasi, ayaa ku eedeeyay arrintaa dad ganacsato ah oo ay ku tilmaameen inay yihiin kuwo damiir laawayaal ah.
Madaxa laanta sharciyeynta badeecadaha iyo Alaabta dalkaasi la geliyono ee magaalada Lagos, Haruna Mamudu wuxuu sheegay in la doonayay in bariiskaasi been abuurka ah lagu iibiyo suuqyada xilliga dabaaldegga.

Wuxuu sheegay in bariiskan marka la kariyo uu dhegdheg yeelanayo, “Alleh oo keli ah ayaa og waxa dhici lahaa” haddii shacabka ay cuni lahaayeen, ayuu yidhi, Haruna Mamudu.

Dowladda Nigeria ayaa shaybaadh u dirtay bariiska si loo ogaado caagga rasmiga ah ee laga sameeyay, waxayna shacabka uga digayaan inay iska ilaaliyaan oo aanay iibsan cuntooyiinka sidan oo kale ah, maadaama halis ay gelin karaan nolosha iyo caafimaadkooda.

Fadeexaddaha Cuntooyinka iyo Alaabta macmilka ah ee uu ugu horeeyo “Raashiin been abuur ah” ayaa aad ugu yar Nigeria, marka la barbardhigo dalalka kale ee Afrika iyo Shiinaha.

Balse Fadeexadda ugu weyn ee dalka Niegria ka taagan marka laga hadlayo arrimahaa, ayaa ah Dawooyinka been abuurka ah, kuwaas oo isticmaalkooda dad badan ay sanad kasta ugu dhintaan dalkaa.

Sidoo kale dowladda Nigeria waxay weli baadheysaa, haddii uu jiro bariiskan caagga ah in shacab laga iibiyay.

Mr Mamudu muu sharixin sida loo sameeyay bariiskan, balse waxaa lagu tilmaamay “inuu yahay bariiska ugu wanaagsan ee Yaanyo lagu kariyo”, markii ay xayeysiinayeen ganacsatada sameysay ee dalka soo gelisay.
Dalka Shiinaha, ayaa sidan oo kale lagu qabtay Bariis caag ah oo lagu sameeyay sanadkii hore.

Bariiska waa mid ka mid ah cuntooyiinka sida weyn looga cuno dalkaasi Nigeria iyo inta badan qaaradda Afrika, balse dalal badan oo Afrika ah awood uma laha inay ogaadaan cuntooyinka, Dawooyinka iyo Alaabta been abuurka ah.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post