X
    Categories: Warar

Banka Geeriyaad: Saxariirka Abaarta, surbacaadka kulaylka iyo Sahayda Siigada

Boqolaal qoys oo ku tabaalaysan Saxara la moodka Banka Geriyaad oo Markii u horaysay deeq fara-guukood ah Xukuumaddu gaadhsiisay Warbixin: Saleeban Kalshaale

Saylac(ANN)Wefti ka socda Xukuumadda Somaliland ayaa maalintii labaad howl-gal quudin iyo kor-meer xaqiiqo raadin isugu jira ka fuliyey deegaamo ku teedsan Saxara lamoodka Banka geriyaad ee Gobolka Selel oo ay abaar soof ma reeba ahi ku haleeshay Dad reer guuraa ah oo halkaa Xoolaha badankoodii kaga baxeen, kaddib markii xaaluf daba dheeraaday iyo xanuunno isu barkadeen.

Bulshada ku dhaqan Deegaamadan weftigu maanta gurmadka ku maray, ayaa ah dad ay ka muuqdaan saxariir iyo soomal haad badan oo ay abaartu badday, kuwaasoo ay duruufta baahidu ku khasabtay inay waddooyinka istaagaan si ay Baabuurta halkaa maraysa u waystaan kaalmo.

Baahidooda ugu darani waa biyo iyo cunto ay afka geliyaan marka ay u gacan haadinayaan Baabuurta waddada maraysa, taasoo isha aragtaa uun qiyaasi karto marxaladda ay dhab ahaan ku sugayaan gacanta eebbe iyo go’bo caawimo oo bina’aadam uga timaada.

Tusaalena waxa loo soo qaadan karaa xaalad macaluul iyo haraad gaadhsiisan, in xataa dadku habeenkii dariiqyada u istaagaan Baabuurta si ay jal u waydiistaan.

Weftiga uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha gudaha Cali Maxamed Waran-cadde oo saaka arroornimadii hore ka ambo baxay Magaalada Geerisa oo fadhigoodu ahaa labadii maalmood ee u dambeeyey, ayaa Biyo, cunto fudud oo gacan ka dhiib ah iyo Daawooyin ku siiyey Qoysas ku talaabaysan duleedka Geerisa ilaa Ceel Gaal inta u dhaxaysa.

Tilmaan ahaan, deegaamada xidhiidhsan, Caasha caddo, laagta Morohda illaa ceel Gaal ayaa weftigu waxay kula kulmayeen Maato dariiqyada banka wadhan u baahan gargaar caafimaad, cunto, biyo, gaadiid ay maxasta ku qaataan iyo qaar duunyadii ka dhamaatay oo samato bixin dalbaday.

Geesta kale, Weftiga ayaa intii ay dadkan Taakulada qaybinayeen sidoo kale dadka ka xog waraysanayey Xaaladooda nololeed ee ka hoosaysa muuqaalka diifta badani ka sokayso .

Mid ka mida ah dhacdooyinka naxdinta iyo xanuunka badan ee ay dadku warameen ayaa ah Hooyo umul ah oo ku dhiig baxday Xaalada dhalmada laba maalmood ka hor Tuulada Ceel Gaal, taasoo ay Kooxo gurmadka caafimaadka ku shaqo leh oo weftiga la socdaa siiyeen Daawooyin iyo bushqado cuntada nafaqada ah.

Deegaanka Ceel Gaal ma laha xarun Caafimaad. Dadka halkaa ku dhaqanina waxay ka cawdeen la’aanta adeegyada aasaasiga ah, sida xarun Caafimaad oo lagula tacaalo caafimaadka Carruurta iyo haweenka u jilicsan diifta abaarta. “Gabadhu markay foolato meel loo qaado waxa noogu dhaw Geerisa iyo Saylac, Gaadiidna ma haysano” sidaas waxa tidhi Malyuun oo kamid ah Haweenka Deegaanka Ceel Gaal.

Bulshada ku dhaqan Deegaankan iyo jiida kale ee Weftigu maray dhamaantood waxay masuuliyiinta dawladda ka dalbadeen inay maalinba maalinta ka dambeysa xaaladoodu ka sii darayso, iyagoo musawir buuxa ka bixiyey wacyiga ay ku jiraan oo ay ku tilmaameen mid noole la saaxiibo kuu ugu adkaa.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post