X
    Categories: Warar

Bangiga PrimerBank Oo Soo Geba-gebeeyay Mashruuc Dhalinyarada Fekerkooda Iyo Maskaxdooda Lagu Dhuuqay Iyo Qaabka Loo Maamulay

Hargeysa(ANN)-Bangiga PrimerBank oo  ka mid ah Baananka Madax banana ee ka hawlagala Somaliland, ayaa caawa soo geba-gebeeyay mawduuc  loo bixiyay hal-abuurka Ganacsiga ee Ardayda Jaamacaddaha Somaliland, kaasoo ay ka qaybgaleen kumaan dhalinyaro ah oo dananay barnaamijkaa.

45  dhalinyarada Jaamacddaha dalka oo ka qaybgalay tartankaa oo lagu bixinayay  maalgelin dhan $ 10,000 (Toban kun oo dollar), lacagtaa oo ay sheegeen in la siinayo qofka ku guulaysta fekreda ganacsi ee ay ku qancaan dadka barnaamijkan daadihinayay.

Barnaamijkan, ayaa u muuqday mid feker ahaan aad loo soo dhoweeyay, balse waxa markiiba ka dhashay doodo iyo su’aalo la xidhiidha  sababta intaas oo dhalinyaro ah oo dabacan shaqo la’aanta ka taagan dalka iyo duruufaha dhaqaale loogaga faa’idaysanayo fekerkooda iyo maskaxahooda ee loo soo dhexdhigay dhalinyarada intaa leeg qadar lacag ah oo aan ka badnayn toban kun oo dollar..

Waxayna  dadka inta badan la socday barnaamijka ee dusha kala socday is weydiinayeen sababta marka horeba si furan loogu shaacin waayay tartanka Barnaamijka iyo shuruudaha lagu soo xulayay ka qaybgalayaasha oo aan cidna ka war qabin.

Sidoo kale waxa shaki iyo dareen dhalisay  mudadii socday Barnaamijku oo ahayd xogtiisa looga dhigay mid qarsoodi ah oo aan daah-furnayn maadaama ay tahay tartan iyo sababta warbaahinta looga mamnucay, taas oo abuurtay shaki iyo dareen kale oo ay ka qabeen ka qaybgalayaasha iyo dad ka indhah ku hayay ku dhowaad saddex todobaad oo uu socday.

Arrimaha kale ee lays weydiinay, ayaa ahaa sababta  ay uga badatay kharashka ku baxay qadarka lacagta yar ee la siinayo qofka guulaystay.

Labada dhalinyarada ah ee ku guulaystay maalgelinta $ 10,000 dollar,ayaa wadaagaya mashruuca maalgelinta qadarkaa lacageed, taas oo saluug weyn laga muujiyay markii lasoo gebagebeeyay munaasibada tartankaa oo caawa xaflad loogu qabtay magaalada hargeysa, balse waxa intii munaasibada lagu jiray soo baxday in barnaamijkan kusoo gebageboobay  tuhun iyo wax isdaba marin in ay jiraan, iyadoo masraxa laga soo hadal qaaday in guulaystayaasha ay ka mid tahay gabadh, balse lama xaadirin magaca gabadhaa.

Baadhitaano la xidhiidha Barmaamijkaa oo u muuqday mid dhalinyarada shaqo la’aanta iyo  dhibaatooyinka dhaqaale ee haysta  looga faa;idaystay maskaxahooda iyo ujeedad ka danbaysa xoggo dheeraad ah iyo baadhitaano la sameeyay  oo wax badan daaha ka faydaya .  lasoco.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post