X
    Categories: Warar

Bangiga Caalamiga Ah Ee Dahabshiil Oo Laga Daahfuray Kismaayo

Araweelo News Network

Jubbaland Minister of Commerce Farid J Suleiman

Kismaayo(ANN)- WasiirkaWasiirka  Ganacsiga Jubbaland, Fariid Jaamac Saleebaan, ayaa manta si rasmi ah xadhigga uga jaray xarun weyn oo Bangiga Caalamiga ah ee Dahabshiil (DBI) uu ku yeelan doono magaalada Kismaayo, xarunta maamul-goboleedka Jubbaland.

“Si xuushmad iyo qaderin badan ayaannu ugu soo dhoweyneynaa Dahabshiil Group iyo bangigeeda caalamiga ah ee Dahabshil Bank International Jubbaland min heer tuulo ilaa heer caasimadeed,” ayuu yidhi Wasiirku, mar uu ka hadlayey munaasibad si xarrago leh loo soo agaasimay oo lagu qabtay Hotel Aga, xadhig-jarka ka dib.

Waxa uu Wasiirku hoosta ka xarriiqay muhimadda uu bangigan u yeelan doono kbcinta dhaqaalaha iyo horumarinta ganacsiga Jubbaland, iyada oo sidoo kale, uu abuuri doono furasado shaqo oo ka dhalan doono maalgelinta uu samayn doono Bangigu.

 

Cabdirashiid Faarax Axmed, Maamulaha Guud ee Isu-Diridda lacagaha iyo Xarunteeda Guud (DMT), oo ku hadlayey magaca xafiis-madaxeedka Dahabshiil Group, ayaa hoosta ka xarriiqay sida Bangigu ugu soo hoyn doono lib iyo horumar gobolka.

“DBI waxay la bah tahay oo ka soo unkantay tacabka iyo adeegga hufan ee 24000 oo laamood oo shirkaddu ku leedahay 144 dal oo caalamka ah,” ayuu yidhi.

Bangigu, ayuu ku daray, waxa hubaal ah inuu shaqo abuur baaxad leh la iman doono maadaama uu maalgelin ku samayn doono mashaariic ka bilaabma jeeblaha oo kor u gaadhsiisan ganacsatada waaweyn – nooc ay ku tahayba.

Cismaan Cali Xalane,Maamulaha Guud ee DBI ee Koonfurta iyo Badhtamaha Somalia, ayaa isaguna tilmaamay in DBI ka hirgelin doonto mshaariic loo aayo Jubbaland iyada oo ka shiidaal qaadanaysa waayo-aragnimadeeda baaxadda leh ee ka soo bilaabantay, Bangi ahaan, Jabbuuti 2010.

 

“Guulihii laamaha waaweyn ee magaalooyinka halbowlaha ee Soomaalida uu Bangigu ka xaqiijiyey sannadihii inna soo dhaafay, ayuu ku dabbiqi doonaa Kismayu,” ayuu yidhi
Ganacsatada, madax dhaqameedka, Ururrada bulshada, kuwa caalamiga ah, Laamaha Dawladda iyo mudanka dadweynaha Kismaayo ayaa si heer sare ah u soo maamusay daahfurka Bangiga oo si aan la soo koobi Karin ay u soo dhoweeyeen.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post