X

“Balanqaadyadii Baaqday Iyo Hadalladii Beenoobay Ee Xukuumadda Madaxweyne Biixi” Guddoomiye Xirsi

Hoggamiyaha Xisbiga Mucaaradka ee WADDANi, Xirsi Cali Xaaji Xasan, Image Araweelo News Network, 28 Oct, 2021.

Araweelo News Network.

Waa Hubaal oo xaqiiqdani way idin gubaysaa, Muusoow yay ku dhibin xaqiiqadu Xisaab Aduunyo iyo mid aakhiro way danbaysaa. Guddoomiyha WADDANI.

“Waxqabadka ay xukuumaddu sheeganay waa mid weyd ah, waxyaabaha la sheegayo qaarkood kharashka lagu diyaariyay ayaa ka baddan waxqabadka lasoo bandhigay.”

Hargeysa(ANN)-Gudoomiyaha Xisbiga ugu weyn Mucaaradka Somaliland ee WADDANI, Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa soo bandhigay balanqaadyadii baaqday ee xukuumadda Madaxweyne Biixi iyo hadalladii beenoobay ee sida uu sheegay bulshadda loo sheegay.

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, wuxuu taxay waxyaabaha xukuumadda Madaxweyne Biixi balanqaaday ee aan fulin, isagoo sheegay in xaqiiqda uu soo bandhigayo ay hubaal tahay in Madaxweyne Biixi iyo xukuumaddiisu ka gubanayaan.

“Madaxweynuhu markii uu lahaa waddo laami ah oo isku xidha Somaliland iyo Djibouti ayaanu dhisaynaa oo Boorama soo marta Afar sannadood ayaa laga joogaa miyaad maqasheen mar danbe cid hadalhaysa” ayuu yidhi, Guddoomiye Xirsi oo soo qaatay tusaalayaal cad-cad.

Xirsi, wuxuu sidaa ku sheegay warbixin uu maanta la wadaagay warbaahinta, isagoo soo qaatay tusaalyaal cad-cad, isagoo tilmaamay in marka laga hadlayo xuquuqda Aadamaha iyo xiriyaadka aasaasiga ah ay taariikhda markii u horraysay Somaliland ka dhaceen falal afduub ah oo dadka lagu qafaasho, kuwaas oo sida uu sheegay ah dhaqan cusub oo soo kordhay mudadii xukuumadda Madaxweyne Biixi.

Sidoo kale, wuxuu soo qaatay ku dhowaad boqol iyo konton qof oo sannadkan xabsiyada loo taxaabay, kuwaas oo sida uu xusay, isagoo soo xiganaya warabixinaha sannadlaha ah ee Hay’addaha xuquuqda Aadamaha loo xidhay afkaartodoa iyo aragtidooda oo keliya.

Guddoomiye Xirsi oo arrimahaa iyo kuwo kale ka hadlaya halkan ka Daawo.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post