X
    Categories: Warar

Badheedhihii Wasiir Koore Ee Reer Boorama U Sacab-tumeen

“Hadaad Maqasho Soomaaliya ayaa la doonayaa, waxaad famahtaa cidda la doonayo,….” Wasiir Saleebaan Cali Koore

Burco(ANN)- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland, Saleebaan Cali Koore, ayaa hadalo dhaxal-gal ah ka jeediyay madal lagu xusayay munaasibadii 60-guurada ka soo wareegtay markii ay Somaliland xorriyaddeeda  ka qaadatay Boqortooyada Midawday ee United Kingdom. 26 June 1960, taas oo lagu qabtay Magaalada Boorama ee Xarunta Gobolka Awdal.

Mudane, Saleebaan Cali Koore, wuxuu ka sheekeeyay taariikhda maalinta 26 Juun iyo marxaladihii ay soo martay, isagoo dhinaca kalena xusay heshiisyadii Boqortooyadii Midawday ee Britain la gashay Odayaashii xeebaha Somaliland iyo halgankii Daraawiishta ee uu hoggaaminayay halyeygii Seyid Maxamed Cabdulle Xasan.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland, Saleebaan Cali Koore, wuxuu khudbada dhaxal-galka ah ee uu ka jeediyay Magaalada Boorama kaga hadlay rabitaanka Soomaaliya iyo doorka dadka deegaamada darafyada, taas oo si farshaxan ah uu bulshada ugu hoga-tusaaleeyay, wuxuuna xusay in marka la leeyahay waxa la doonaya Soomaaliya aannay ujeedadu ahayn darafyada ee cidda la doonayaa ay tahay deegaamada dhexe.

Saleebaan Cali Koore, wuxuu xusay in magaalada Boorama taariikh weyn ku leedahay Somaliland iyo dhismaheeda oo ay tahay magaalada loo yimaado dalxiiska, halka dhinaca kalena ay tahay magaaladii aqoonta iyo waxbarashada, balse wuxuu xusay in dhowaan uu arkayay dhawaaqyo kasoo baxayay magaalada Boorama, kuwaas oo uu sheegay in aannay fahmin xaqiiqda, isla markaana wuxuu ku tilmaamay in ay ahaayeen dhawaaqyadaasi kuwo la siyaasadeeyay, haddii buu yidhi, aannay hoosta wax ka hulqayn.

Wasiirka, ayaa markii uu badheedhihisa ka jeediyay halkaa, waxay bulshadu ku qaabileen sacab iyo mashxarad, isagoo sheegay in aannu isagu ahayn qof runta ka gabada sidaa awgeed uu dadka Boorama runta u sheegayo.

Dooda dhaxal-galka ah ee Wasiir Saleebaan Cali Koore, ka jeediyay Boorama halkan ka daawo.

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post