X
    Categories: Warar

Badhasaabka Salal Oo Ka Hadlay Xaalada Taliyihii Qaybta Ee Gobolkaa Iyo Taliye Ku Xigeenkii Oo Ku Dhaawacmay Shil Baabuur

Araweelo News Network

Badhasaabka Gobolka Salal Dr. Axmed Maxamed Xaashi (Axmed Naasir) photo file

Salal(ANN)Badhasaabka Gobolka Salal Dr. Axmed Maxamed Xaashi (Axmed Naasir) oo ku sugan Dalka Djibouti ayaa ka hadlay xaalada Taliyihii Gobolka Salal Gaashaanle Dhexe Maxamed Cilmi Yaasiin iyo Taliye ku xigeenkisii Raage Muuse Dirir, oo dhaawacyo kasoo gaadheen shil baabuur xalay, isla markaana dhaawacyada saraakiisha loola cararay dhinaca Djibouti.

Badhasaabka Gobolka Salal Dr. Axmed Maxamed Xaashi (Axmed Naasir) oo Laba sarkaal iyo Dareewalkii gaadhiga xalay dhaawacyadooda u qaaday dhinaca Dalka Djibouti, ayaa u sheegay Araweelo News Network in xaaladoodu ay fiican tahay, isla markaana wuxuu xusay in Taliyihii Qaybta Booliska ee Salal Gaashaanle Dhexe Maxamed Cilmi Yaasiin marka kaga reebo jugo yar yar aanay waxba soo gaadhin oo nasanayo.

Hase yeeshee Dr. Axmed Naasir, wuxuu xusay in Taliye ku xigeenkii Raage Muuse Dirir iyo Dareewalka gaadhiga Maxamed Suge Muumin soo gaadhen dhaawacyo jabniin ah, isla markaana lagu dawaynayo Cusbitaalka oo ay xaaladoodu fiicantahay.

Badhasaabka Gobolka Salal Dr. Axmed Maxamed Xaashi (Axmed Naasir) oo khadka isgaadhsiinta ugu waramay Araweelo News Network mar uu xaalada saraakiisha ka warbixinayay , wuxuu dawlada Djibouti uga mahad celiyay sida ay ugu fidiyeen dhaawacyada saraakiisha gurmadka iyo sidii ay u gacan qabteen.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post