X
    Categories: Warar

Badhasaabka Cusub Ee Oodweyne Oo Xilka Kula Wareegay Munaasibad Si weyn Loo Abaabulay

Oodweyne(ANN) Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Daad-Madheedh ee xaruntiisu tahay Oodweyne Dr. Axmed Naasir Maxamed Xaashi, ayaa maanta si rasmi ah xilka ula wareegay.

Isuduwaha wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada Somaliland ee Oodweyne Marwo Yaasmiin Maxamed Cabdi

Munaasibad balaadhan oo ay kasoo qayb galeen maamulka gobolka, Degmada iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada, ayaa loogu kala wareejiyay xilka Badhasaabka cusub iyo Badhasaab ku xigeenka Oodweyne Maxamuud Axmed Cali (Juba) oo xilkaa sii hayay.
Maayarka Magaalada Oodweyne Cabdixakiim Nuur Muuse, ayaa kusoo dhoweeyay furitaankii munaasibadda badhasaabka cusub Dr. Axmed Naasir Maxamed Xaashi, iyadoo munaasibadaa uu goob joog ka ahaa Agaasimaha wasaaradda arrimaha gudaha ee gobolada iyo Degmooyinka Maxamed Cali Maxamed oo xilka u kala wareejiyay masuuliyiintaa, isagoo wakiil ka ah wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland.

Badhasaabka Cusub Dr. Axmed Naasir, ayaa balanqaaday inuu hawsha qaranka iyo masuuliyada loo igmaday halkaa kasii wadi doono,

Muuqaalka Munaasibadda xil wareejinta Oodweyne

sidoo kale waxa ka hadlay halkaa sarkaalka ka socday wasaaradda arrimaha guddaha Somaliland, Taliyaha Qaybta Booliska iyo badhasaab ku xigeenka, waxayna dhamaan masuuliyiintaasi balan qaadeen inay la shaqaynayaan Badhasaabka cusub.
sidoo kale xubno ka mid ah Odayaasha iyo waxgaradka Oodweyne oo hadalo kooban ka jeediyay munaasibadaa, ayaa balan qaaday inay shacbi ahaan ula shaqaynayaan bashaabka sidii ay kuwii ka horeeyay ula shaqaynayeen.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post