Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Daad-Madheedh Dr. Axmed Naasir Maxamed Xaashi oo xilka la wareegaya 6 January 2016

Oodweyne(ANN) Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Daad-Madheedh ee xaruntiisu tahay Oodweyne Dr. Axmed Naasir Maxamed Xaashi, ayaa maanta si rasmi ah xilka ula wareegay.

Ka Bilaw (Bidix), Badhasaabka Oodweyne Dr. Axmed Naasir Maxamed Xaashi, (Dhexda) Agaasimaha wasaaradda arrimaha gudaha ee gobolada iyo Degmooyinka Maxamed Cali Maxamed iyo Maayarka Magaalada Oodweyne Cabdixakiim Nuur Muuse.

munaasibadxilwareejintaoodweyne

Isuduwaha wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada Somaliland ee Oodweyne Marwo Yaasmiin Maxamed Cabdi

Munaasibad balaadhan oo ay kasoo qayb galeen maamulka gobolka, Degmada iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada, ayaa loogu kala wareejiyay xilka Badhasaabka cusub iyo Badhasaab ku xigeenka Oodweyne Maxamuud Axmed Cali (Juba) oo xilkaa sii hayay.
Maayarka Magaalada Oodweyne Cabdixakiim Nuur Muuse, ayaa kusoo dhoweeyay furitaankii munaasibadda badhasaabka cusub Dr. Axmed Naasir Maxamed Xaashi, iyadoo munaasibadaa uu goob joog ka ahaa Agaasimaha wasaaradda arrimaha gudaha ee gobolada iyo Degmooyinka Maxamed Cali Maxamed oo xilka u kala wareejiyay masuuliyiintaa, isagoo wakiil ka ah wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland.

Badhasaabka Cusub Dr. Axmed Naasir, ayaa balanqaaday inuu hawsha qaranka iyo masuuliyada loo igmaday halkaa kasii wadi doono,

Muuqaalka Munaasibadda xil wareejinta Oodweyne

Muuqaalka Munaasibadda xil wareejinta Oodweyne

sidoo kale waxa ka hadlay halkaa sarkaalka ka socday wasaaradda arrimaha guddaha Somaliland, Taliyaha Qaybta Booliska iyo badhasaab ku xigeenka, waxayna dhamaan masuuliyiintaasi balan qaadeen inay la shaqaynayaan Badhasaabka cusub.
sidoo kale xubno ka mid ah Odayaasha iyo waxgaradka Oodweyne oo hadalo kooban ka jeediyay munaasibadaa, ayaa balan qaaday inay shacbi ahaan ula shaqaynayaan bashaabka sidii ay kuwii ka horeeyay ula shaqaynayeen.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380