X
    Categories: Warar

Baarlamaanka Xukuumadda Soomaaliya Oo U Codeeyay Go’aan Ay Ku Diidayaan Heshiiska Xukuumadda Somaliland Iyo DP World

Araweelo News Network

Baarlamaanka somalia

Muqdisho(ANN)-Baarlamaanka  Xukuumadda Soomaaliya ayaa soo saaray go’aan ay ku sheegeen in aanay aqoonsanay heshiiska ay wada galeen shirkadda DP Wolrd ee laga leeyahay dalka Imaaraadka, xukuumadda Somaliland Iyo dawlada Ethiopia.

Xildhibaanada Golaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sidoo kale ansixiyay ”Xeerka Dhowridda gobanimada iyo midnimada geyiga Soomaaliya” Xeerkaa oo ay soo diyaariyeen gudida joogtaada ah ee Baarlamaanka,  waxaa xildhibaanada ka hor akhriyay guddomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Mahad Cabdalla Cawad.

168 xildhibaan oo ka mid ahaa 170 xildhibaan oo soo xaadiray kulanka ayaa ogolaaday halka uu diiday hal xildhibaan mid kalana uu ka aamusay.

Dowladda Soomaaliya ayaa kal hore sharci darro ku tilmaantay heshiiska dekadda Berbera ee u dhaxeeya Somaliland iyo shirkadda DP World. Balse Somaliland iyo DP World ayaa difaacay heshiisaasi, iyadoo agaasimaha shirkaddaasi uu sheegay in ”Somaliland ay madaxbanaaneyd muddo 28 sano ah” wuxuuna intaasi ku daray in ”dowladda federaalka ay iska hadlayso oo aanay saameyn ku yeelan karin dhaqangalka heshiiskan”.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post