X
    Categories: Warar

Baarlamaanka Soomaaliya Oo Doortay Guddoomiye Doorashadiisu Saadaal U Tahay In Madaxweyne Xasan Sheekh Kusoo Laabto Kursiga

Araweelo News Network

Mogadishu(ANN)-Fadhi ay yeesheen xubnaha cusub ee Baarlamaanka Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa goordhowayd lasoo gaba gabeeyay, kaddib tartan loo galay shirgudoonka Baarlamaanka cusub oo loolan adag ka dhashay.

Cismaan Cilmi Boqorre ayaa ku dhawaaqay in Cismaan Jawaari oo ahaa Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka uu markale uu ku guuleystay doorashadii maanta dhacday wuxuuna ka adkaaday dhammaan musharixiintii la tartamaysay.

Guddoomiyaha Baarlamaankii hore Xildhibaan Jawaari, ayaa taageero xooggan ka helay xildhibaanada ay soo xusheen maamullada Puntland,Hirshabelle,Jubbaland iyo Galmudug,wuxuuna ku guulaystay inuu helo 159 cod halka Cabdi Rashiid Xidig oo la tartamayay uu helay 97 cod, iyadoo 290 xildhibaan kasoo xaadireen fadhigaa.

Doorashada, ayaa sababtay in Ammaanka magaalada Muqdisho maanta aad loo adkeeyo, waxaana la filayaa in beri ay dhacdo doorashada guddoomiye ku xigeenka koowaad iyo labaad ee baarlamaanka.

Kooxda Damul Jadiid, ayaa ka shaqeeyay in aan wax isbedel ah ku imaan hoggaanka Baarlamaanka DF-ka si uu liiska musharixiinta xilka madaxweynaha uu uga saaro Shariif Sakiin, waxayna guusha Jawaari saadaal u tahay in Madaxweyne Xasan Sheekh kusoo laabanayo kursiga, maadaama aanu ninka looga baqayay ee Shariif aanu awood ku lahayn Baarlamaanka cusub.

Tartankii sanaddii 2012 doorashadii dhacday, ayaa sababtay in Shariif Sheekh Axmed uu siyaasadda soo geliyay Jawaari si uu gacan uga geysto in Shariif kursiga kusoo laabto, balse waxba kuma soo kordhin, waxaana doorashadii xilligaas lagaga adkaaday shariifka, iyadoo uu ka guuleystay Xasan Sheekh.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post