Araweelo News Network
Muqdisho(ANN)- Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa cod caqlabiyad ah kalsoonida ku siiyay Ra’iisal Wasaaraha cusub ee Dawladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, kadib Madaxweyne Farmaajo u magacaabay xilkaa 23-kii February 2017.
Madaxweyne Farmaajo ayaa furay kalfadhiga koobaad ee Baarlamaanka oo ahaa kii 10-naad, oo maanta ka dhacay Muqdisho, waxaana shir guddoominayay fadhigaa guddoomiyaha golaha Mudane Maxamed Sh. Cismaan Jawaari.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka hor inta aan loo qaadin codka kalsoonida waxa uu khudbad dhinacyo badan taabanaysay u jeediyay xildhibaanada Baarlamaanka, isaga oo ka codsaday inay siiyaan codka kalsoonida, si uu u soo dhiso xukuumad u adeegta dalka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa carabka ku adkeeyey in xukuumadiisu aanay wax dul qaad ah u yeelan doonin falalka la xidhiidha Musuq-maasuqa iyo wax is daba marinta, isagoo arrintaa ka hadlayana, wuxuu yidhi,
“Waxaan ballanqaadi doonaa in qofkii lagu helo falal musuq-maasuq ah laga qaadi dooono tallaabo sharci ah, mana jiri doono shakhsi sharciga ka sarreeya, taasna waxaad ka arki doontaan in dhammaan Ummaddu u sinnaan doonto sharciga hortiisa, iyadoon cidna looga haybadaysanayn xilka iyo mansabka dawladeed ee uu dalka iyo dadka u hayo”.
Wuxuu tusaale usoo qaatay mar uu ka hadlayay xukuumaddiisa yidhi, “Xukuumaddayda, waxaa hal-beeg u noqon doona Karti iyo Hufnaan, sidii hal-hayska u ahayd Ra’iisul Wasaarihii hore, Allaha u naxariistee, Mudane Cabdirasaaq Xaaji Xuseen.
“Waxaa hubaal ah in Shacabka Soomaaliyeed ay gashay rajo wanaagsan oo keentay inay si buuxda u taageeraan Dowladda Federaalka oo uu hoggaaminayo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo”. Sidaas daraadeed, waa inaan rajada shacabka ka dhabeynaa, oo aan tusnaa waxqabad dhab ah oo ay isku haleyn karaan, si loo hanto kalsooninda ay shacabku u hayaan dawladdadooda”. Ayuu yidhi.
Ra’iisal Wasaaraha oo ka hadlayay arrimaha ciiddamada iyo xaquuqdooda ayaa hoosta ka xariiqay in xukuumadiisu muhiimad aad u weyn siin doonto daryeelka ciiddamada kala duwan, si ay u gutaan waajibaadkooda Qaran.
“Waaxaan fursaddaan qaaliga ah uga faaiidaysanayaa inaan si gaar ah ugu mahad celiyo Ciiddamada Amaanka oo hadh iyo habeen u taagan difaaca dalka iyo dadka, iyadoo aan qirayo in ay si naf-huranimo ah ugu dhabar-adaygeen xaalado adag oo aanay naga mudnayn. Waxaan rabaa inaan halkan ka caddeeyo inaan geed dheer iyo mid gaaab u fuulo doono sidii ciiddamada qaranku ay xuquuqdooda ugu heli lahayeen si joogto ah, si ay waajibaadkooda ugu gutaan si gobannimo leh”.
Mar uu ka hadlayay xaalada Abaaraha ee dalka ka jira, wuxuu yidhi,
“Sidaad la socotaan, waxaa dalka ka jira Abaaro ba’an oo soo jiitamayay in muddo ah, kuwaas oo saameeyay malaayiin qoysas Soomaaliyeed. Waxay halis ku yihiin jiritaanka nolosha iyo duunyada. Waajib balaadhan ayaa ka saaran Xukuumadda iyo shacabka in ay si wadajir ah wax uga qabtaan. Waxaan sii xoojinayaa in iskaashi ka dhexeeyo, Xukuumadda, Guddiyada Abaaraha, Hay’addaha samafalka iyo dalalka aan saaxiibada nahay si gurmad degdeg ah loogu fidiyo shacabka Soomaaliyeed ee tabaaleysan.”
“Si loo yareeyo waxyeellada iyo saameynta Abaaraha, Xukuumaddu waxay la imaan doontaa qorsheyaal cad-cad oo lagaga tabaabulsheysto Abaaraha soo noq-noqday” ayuu yidhi Ra’iisul Wasaare Kheyre oo khudbad u jeedinayay Golaha Baarlamaanka.
Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada ayaa xildhibaanada u xaqiijiyay inuu si dhaqso leh u soo dhisi doono xukuumad tayo leh, isagoo xusay inuu wadatashi dhinac kastaba leh la wadaagi doono qeybaha ay khuseyso, si loo helo xukuumad si buuxda kalsoonida shacabka u hesha.
Mr. Khayre, ayaa u mahad celiya Xildhibaanada Baarlamaanka, isagoo yidhi, “Waxaad igu aaminteen xil iyo masuuliyad qaali ah, oo u baahan hufnaan, karti iyo daacidnimo, waxaana hortiina ka ballan qaadayaa wada-shaqayn dhow iyo wada-tashi joogta ah, si aan dhammaanteen habsami ugu gudanno waajibaadka ina saaran, una xaqiijino waxqabadka Shacabka Soomaaliyeed inooga fadhiyo”.
Dhinaca kale Ra’iisal Wasaaraha cusub ee Dawladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, markii Madaxweyne Farmaajo u magacaabay xilkaa 23-kii February 2017, waxaa soo baxay fadeexado musuq-maasuq iyo khiyaamooyin uu ku lug lahaa mudadii uu shirkadda Som Oil oo uu saami ku lahaa madaxda ka ahaa, iyadoo Shirkadda Som Oil oo qayb ka ahayd muranka dhinaca Badda ee Soomaaliya iyo Kenya ay dalka Biritain kaga socdaan dacwado musuq-maasuq.
Sidoo kale waxa soo baxday inuu xidhiidh la lahaa kooxaha Mayalka adag sida Al-shabaab oo uu xiliyo hore xidhiidh dhaw la lahaa.