X
    Categories: Warar

Baarlamaanka Somaliland Oo Aqbalay Xil Ka Qaadista Guddoomiyihii Maxkmadda Sare


Hargeysa(ANN)Fadhi aan caadi ahayn oo ay wadajir u yeesheen maanta Labada Gole Baarlamaan ee Somaliland Wakiilada iyo Guurtdia, ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyey wareegtadii Madaxweynaha Somaliland xilka kaga qaaday Gudoomiyihii Maxkamadda sare Garyaqaan Yuusuf Ismaaciil Cali todobaadkii hore.

Halkan Ka Daawo Fadhiga Labada Gole ku aqbaleen xil ka qaadista guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee Somaliland, waxa guddoominayay Guddoomiye ku xigeenka Koowaa ee Guurtida Siciid Jaamac Cali.

Xoghayaha Guud ee Golaha Wakiiladda Somaliland Cabdirisaaq Siciid Ayaanle, ayaa ka hor intii aan codka loo weydiin mudanayaasha aqbalaada guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee xilka laga qaaday, wuxuu mudanayaasha u akhriyay digreetada Madaxweynaha Somaliland xilka kaga qaaday Guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee Somaliland.

Mudanayaasha oo markaa kadib loo weydiiyay cod, waxaana aqbalay xil ka qaadista guddoomiyihii Maxkamadda Sare 80 mudane, waxa diiday 32 Mudane, halka 15 xildhibaan ka aamuseen. sidaana waxa cod aqlabiyad ah ku ogolaadeen xil ka qaadista Guddoomiyihii Maxakmaadda Sare ee Somaliland Yuusuf Ismaaciil Cali.


Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post